Taliyaha qeybta koowaad ee howlgalka AMISOM, Richard Otto ayaa soo gabagabeeyay booqashadiisii caadiga aheyd ee uu ku tagay furimaha hore si uu u qiimeeyo halka ay marayaan howlgalada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Taliyaga, oo ay la socdeen taliyayaal sarsare iyo saraakiil shaqaale, ayaa booqday saldhigyada ay ka socdaan Hawlgalka AMISOM ee ay gacanta ku hayaan ciidamada Yugandha.
,Howlwadeenada AMISOM ee ka socda Dalkaasi waxaa ay ka howlgalaan Banaadir, Shabeellada Hoose iyo Jubbada Dhexe, halkaas oo ay ka fuliyaan howgallo lagu sugayo ilaalinta shacabka iyo xarumaha muhiimka ah.
Waxaan ku faraxsanahay u diyaargarowga dagaalka,Waxaan sii wadeynaa inaan hoos u dhigno awooda cadawga ee dagaalka. ”Ayuu yiri Brig. Otto.
Waxa uu Taliyaha ka warbixiyay sida ay u fashiliyeen isku daygii argagixiso ee ahaa in waddooyinka lagu aaso aaladaha qarxa, waxa uuna ka codsaday ciidamada in ay diyaar u ahaadaan taageerida ciidamada amniga qaranka Soomaaliyeed, si loo hubiyo in la helo doorasho nabdoon.
Taliyuhu, waxa uu saraakiisha ku ku ammaanay sida ay ugu hogaansameen talooyinka ka hortaga caafimaadka bulshada ee COVID-19. Wuxuuna ku booriyay ciidamada inay sii wadaan inay xiriir wanaagsan la yeeshaan bulshada martida loo yahay.