Taliyaha Ciidanka Xoogga S/Gaas Yuusuf Odowaa Raage iyo saraakiil kale oo socdaal shaqo ku maraya deegaanada Gobolka Hiiraan ayaa gaaray degmada Maxaas,gaar ahaan furimaha ay joogaan qeybaha ciidanka .
Taliyaha iyo saraakiishii kale ee la socday waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay maamulka iyo saraakiisha ciidanka,iyagoo boogaadiyay ย cutubyo ka tirsan ciidanka iyo kuwa difaaca madaniga ah oo u taagab la dagaalanka kooxaha khawaarijta.
Taliye Odowaa oo safarkiisa shaqo uu la xiriiray u kuurgalidda xaaladda nololeed ee ciidanka,waxa uuย warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa difaaca madaniga ee k u sugan furimaha dagaalka.
Taliyaha ayaa kula dardaarmay qeybaha ciidanka in ay laba jibaaraan howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ee weli ku harsan deegaanada Hiiraan