Xuddur-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqasho ku tagay degmada Xuddur ee Gobolka Bakool, Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaraha magaalada Xuddur ku soo dhaweeyay Saraakiisha Guutada 9-aad, maamulka Xuddur iyo Shacabka Degmada.
Taliye Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa dhiiragalin ugu tagay Cutubyo cusub oo tababar ugu socdo dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Xuddur.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in Cutubyadaan cusub dhawaan loo soo xiri doono tababar, isla markaana ay ka mid noqon doonaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, Taliyaha ayaa Ciidanka cusub faray in looga baahan yahay in ay isku furaan degmooyinka gobolka Bakool.