Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa si rasmi ah u furay Tababar heerkiisu sarreeyo oo la siinayo cutubyo katirsan Ciidanka Daraawiishta Booliiska .
Madaxa Howlgalka Midowga Yurub ayaa qeyb ka ahaa masuuliyiinta furitaanka Tababarka kasoo qeyb-galay ,waxaana Ciidanka fursadda u helay Tababarka la bari doonaa la dagaallanka argagixisada ee casrigan la joogo xeeladaha dagaalka, iyo habraacyada howlgalka iyadoo si buuxda loo ilaalinayo shuruucda dalka iyo xuquuqda aadanaha.
