Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cisman Cabdullaahi iyo saraakiil kale oo la socday ayaa kormeeray inta badan xarumaha degmooyinka ee loo diyaariyey in ay ka codeeyaan dadweynaha ku dhaqan Gobolka Banaadir.
Taliyaha Ciidanka Boliska waxaa kormeerkiisa ku wehelinayeen Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi iyo Taliyaha Qeybta Guud Ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin iyo saraakiil kale oo muhiim ah.
Taliyaha ayaa u kuur galay sida loo xoojiyey amniga iyo xaalada ciidanka ay ku sugan yihiin wuxuuna warbixino ka dhageystey saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka jooga xarumaha loo cayimay in ay bulshada ka codeeyaan