Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Taariikh nololeedka Allaha u naxariistee Marxuum Qoraa sare Ciise Faarax
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Taariikh nololeedka Allaha u naxariistee Marxuum Qoraa sare Ciise Faarax
GudahaMaqaallada

Taariikh nololeedka Allaha u naxariistee Marxuum Qoraa sare Ciise Faarax

By Kulane
Last updated: May 7, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Ilaaheey ha u naxariistee Marxuum Ciise Faarax waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadkii 1948-kii, waxa uuna Marxuum Ciise Faarax ahaa Tafaftirahii ugu horreeyay Joornalka dalka Ex Xidigtii Oktober, laga soo bilaabo 21-kii Janaayo sanadkii1973  markii la bilaabay soo saarista Wargeys ku qoran  Afka Hooyo ee Soomaaliga.

Marxuumka ayaa waxbarashiisaa ka bilaabay isla magaalada Muqdisho, waxa uuna Dugsigiisa sare ka baxay sanadkii 1972-kii, kadib waxa shaqadiisii ugu horreysa ka bilaabay kuna aakhirsaday Wasaradda Warfaafinta, si gaar ah waxa uu uga shaqeyn jiray Waaxda Qoraalada iyo Wargeysyada, gaar ahaa Wargeysyadii La Istella, Xiddigta Oktoober iyo Wargeysaka Dalka oo haatan loo yaqaan ilaa uu ka gaaro heerka ugu sarreysa uuna soo noqday Tafatiraha Wargeyska.

Intii uu ku gudajiray shaqadiisa Suxufinimo waxa uu Culuunta Saxaafadda ka bartay Kulliyada Saxaafadda ee Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed, waxa uuna ka qaatay Shahaadaha BA ee Suxufinimo sanadkii 1981-kii, waxayna ahaayeen Dufcadii kowaad ee Kulliyadda Saxaafadda.

Burbur iyo Qax kadib ayaa mar kale waxaa dib loo bilaabay Wargayska Dalka  Ex Xidigtii OKtobar. Sanadkii 2015-kii Bishii Janaayo 21-keeda. iyada oo xiligaa uu dalka Madaxweyne ka ahaa Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu dhawaaqay Horumarinta Afka iyo Qoristiisa Xili asiga iyo dhigiisa dalka Jabuuti dhagax dhigayeen Xarunta Goboleedka farta Iyo luuqada Soomaali-weyn, ayaa Markale wax uu Marxuumka loo magacaabay  Tafaftiraha Wargeyska dalka, waxa uuna ku can baxay Sheekaddii Taxanaha aheyd YAXAAS ARBACOW, taasi oo ka hadleysay hoggaamiye Kooxedyadii markaa magaalada Muqdisho kala goos goostay, waxaana lagu xusi karaa inuu ahaa Qoraa geesi ah oo xilligaasi u bareeray inuu wax ka sheego qolooyinkaasi.

Ilaah ha u naxariiste Marxuum Ciise Faarax markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee Dalka 1991-kii ayna burburtay Xukuumaddi dhexe, waxa uu sii watay howshiisa Suxufinimo, waxa uuna wax ku qori jiray Wargeysyadii xilligaasi ka soo  bixi jiray Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wargeysyada Qaran, Xog ogaal iyo Ayaamaha, Qoraa sare Ciise Faarax waxa uu qori jiray magaallo badan, kuwaasi oo si gaar ah uga hadli jiray arrimaha Bulshada iyo siyaasadda.

Marxuum Ciise Faarax ayaana shaqaynayay ilaa Sanadkii 2017 ilaa uu  sidaa ku noqdo howl-gab u soo  Adeegay  Qarankiisa, waxaana alle SWC  ugu rajayn inuu Janno ugu bishaareeyo Ciisa Faarax .

Ugu dambeyntii Saakay ayay u timid geereada xaqqa ah, waxaana Muragada iyo Tiiraanyada geerida la qeybsanaysaa dhammaan qowskii iyo qaraabadii,Bahda Warbaahinta Qaranka oo  uu ka baxay Alle ha unaxariite Ciise Faarax oo ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska JFS.

SONNA

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha XFS oo Riyadh kaga qeybgalay shirka Beeraha ee wadamadda Carabta  

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha & Waraabka XFS Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa Magaaladda ee dalka Sacuudi Carabiya ku shirgudoomiyey kulan u…

Gudaha
May 3, 2024

Xog muhiim ah oo ay soo saartay UNICEF

Caalamka waxaa si weyn wel-wel ugu haya Corona Virus oo sababa cudurka Covic 19, si aad ah ayuuna ku sii…

MaqaalladaWararkaWargayska
March 16, 2020

Ciidamadda dowladda oo howlgal qorsheysan ku dilay 30 khawaarij ah

MUQDISHU-(SONNA)-Howlgal gaaar ah oo maanta Ciidanka Qaranku ka fuliyeen dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow ee Koofurta gobolka Mudug ayaa…

GudahaWararka
September 23, 2023

RW ku-xigeenka labaad ee XFS oo kormeeray goobihii ay Saameyeen Roobabkii Da’ay

Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid oo hoggaaminayey guddi heer Qaran iyo heer…

GudahaWararka
May 10, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023