Howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Gobolka Darfur (UNAMID) ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo 31-ka bishaan ka dib muddo 13 sano ah oo gobolkaasi ay ku sugnaayeen ciidamo caalami ah oo sugayey amniga halkaasi.
Hadaladaasi ka soo yeery Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay qaadi doonto mas’uuliyadda sugida amniga iyo adeegyada muwaadiniinta gobolkaasi.
1-da Janaayo 2021, ciidamada UNAMID iyo shaqaalaha booliiska waxay diiradda saari doonaan sugidda amniga iyo hantida,waxaana intaa la raaciyay in ciidamada nabad ilaalinta ay heystaan muddo lix bilood ah oo ay ku soo gabagabeeyaan howshooda, taas oo lagu qaban doono qaab marxalad ah.
Toddobaadkii la soo dhaafay, Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay wuxuu isku raacay in la soo afjaro howlgalka UNAMID ee Darfur 31-ka Diseembar.
sanadkii 2007-dii ciidamo nabad ilaalin ah aya la geeyay Gobolka Daarfuur,si loo soo afjaro dagaaladii ka ka qarxay gobolkaasi sanadkii 2003-kii,kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Suudaan iyo kooxaha mucaaradka