Mas’uuliyiinta dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay inay ka hortageen saddex gantaal oo lala beegsaday magaalooyinka Najran iyo Jazan oo dhaca koonfurta iyo gobolka bari ee hodanka ku ah saliidda .
Isbahaysiga uu hoggaamiyo ย Sacuudigu ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyay in kooxdaasi oo ay taageeraan ย Iiraan ay ka dambeyeen gantaaladaasi oo ah nuuca Balistigga ah,hasa yeeshee ma jiraan cid sheegatay masโuuliyadda weerarkaasi.
wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in gantaal ย ku wajahnaa gobolka bari lagu qabtay magaalada Dammaam,isla markaana firirkisa uu geystay dhaawac soo gaaray laba caruur ah iyo burburka 14-guri,
Goor sii horreysay, isbahaysiga ayaa soo wariyay in ay ka-hortageen saddex diyaaradood oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kuna sii jeeday Sacuudi Carabiya.