Hordhac
Waxbarashada Soomaaliya waxay soo martay heerar iyo marxalado kala duwan. Wixii ka horreeyey qabsashadii gumeystayaashii reer Yurub dabayaaqadii qarnigii 18aad, waxaa guud ahaan dhulka ay soomaalidu degto ka jiray barashada Quraanka iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka. Carruurta waxaa lagu barbbarin jiray qorista iyo xifdinta Quraanka. Waxaa xigi jiray tafsiirka Quraanka iyo barashada Axaadiista. Gumeystayaashii qaybsadey dhulka Soomaalida, waxay isku dayeen in ay diinta masiixiga ku faafiyaan Soomaaliya ayagoo kusoo gabbanaya in ay dadka barayaan luqadaha dalalkooda (Ingriis, talyaani iyo fransiis); waxay abuureen goobo lagu faafiyo masiixiyada oo ay maamulayeen wadaaddo rag iyo dumar masiixiyiin ahaa (priests and nuns); hasee yeeshee kuma aysan guuleysan qorshahaas maadaama ay dadka Soomaaliyeed aad ugu dhegganyihiin diintooda Islaamka ah.
Gumeystayaashu waxay bari-jireen dadka guryaha uga adeega iyo kuwa aysan ugu maarmin shaqada beeraha erayo ku kooban adeegsigooda. Ma siin jirin fursado ay wax intaas ka badan ku bartaan. Qofkii ay ku ogaadaan hami waxbarasho oo ka baxsan inta loo oggolyahay waxaa la marsiin jiray ciqaab.
Hase yeeshee waxaa jiray shakhsiyaad aan badneyn oo muddadii u dhexeysay 1940-1950 oo ahayd Xilligii Ingriisku la wareegay dhamaan dhulka ay soomaalidu degto, marka laga reebo dhulki la dhihi jiray Franch Somaliland (Jamhuuriyadda Jabuuti ee maanta), oo uu Ingriiskii u bilaabay waxbarashada asaasiga ah ee luqada ingriiska iyo xisaabta (basic language and arithmetics). Dhanka kale waxaa iyana jiray dhallinyaradii uu gumeystihii Talyaanigu askareeyay una isticmaalay dagaalkii uu la galay Ethiopia (1935-1939), sidaasna ku bartay af-talyaani jajaban.
Xilligaan waa waqtigii ay soo baraarugeen, inta badan, ummadihii la gumeysan jiray bilaabeenna halgan gobannimadoon. Soomaalidu waxay la jaanqaaddey mowjadihii gobannimadoonka ahaa, waana xilligii uu soo if-baxay ururkii Dhaqdhaqaaqii gobannima doonka ee SYL. Ururkanu wxuu dhallinyaradii ku dhiirri geliyay in ayagu ay iskood wax u bartaan maadaama uusan gumeystuhu sameyn nadaam waxbarasho caadi ah (formal education). Waxaa marxaladdaas bilaabmay dadaal aan caadi ahaeyn ee barashada luqada Ingriiska iyo garaacidda makiinadihii wax lagu qori jiray (type writers). Waxaa waxbarashadaan hormuud u ahaa dhallinyaradii Horseedka ee ururkii gobannima doonka Soomaaliyeed SYL.
!951dii waxaa Soomaalida u bilowday waaya cusub oo ay saameyntiisii ay kala dhantaashay midnimadii dhuleed ee Soomaalida; Gumeystihii Ingriiska oo ka carooday, mashruucii AFIS oo ay Qaramada Midoobay (UN) ugu dhiibeen Talyaaniga 10 sano ee xornimo gaarsiinta Koofurta Soomaaliya. Ingriiski wuxuu isla xilligaas ku wareejiyay Boqortooyadii Ehiopia dhulki Soomaalida ee la dhihi jiray Howd (reserve area); waxaa kale oo uu horraantii lixdameeyadii ku daray kenya qayb kaloo ka mid ah dhulki Soomaalida oo la dhihi jiray NFD; wuxuuna toos ula haray maamulidda Gobollada woqooyi (British Somaliland)
Xusuustaan taariikheed ee gaaban waxa ay muujineysaa sida uu gumeystihu u kala dhantaalay Soomaalida iyo dhulkeedii. Kala qoqobkii Soomaalida wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay masiirkii bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed.
1950-1960 Xilligaaan oo ay Qaramada Midoobay u asteysay xornima-gaarsiinta Soomaaliya; masโuuliyaddaas waxaana loo kala dhiibay Talyanniga iyo Ingriiska.
Waxaa ugu weynaa waajibaadkoodii diyaarinta hawlwadeeno hanan kara hoggaan maamul dowladeed dhan kasta, siyaasad, aqoon maaamul, arrimaha bulshada sida waxbarasho, caafimaad iyo wax kasta oo dowladnimo gundhig u noqon kara. Muddada loo qabtay oo ahayd 10 sano, ayaa laga garan karaa in, waxa lgu qaban karayay muddada intaa laโeg iyo baaxadda waajibaadkii la saaray dowladahaas, ay ahayd ha qaateen Soomaalidu xornimo magac u yaal ah, maadaama ay dhan kasta ugu tiirsanaan doonaa gumeystaashii la moodayay in laga xoroobay. Tobankaan sano wax weyn kama duwaneyn marxaladihii gumeysiga. Haddii aan si gaar ah u fiirinno dhanka wabarashada, waxaa dalkoo dhan laga hirgeliyey degmoooyinka qaar min 1 dugsi hoose-dhexe, iyo Muqdisho oo laga hirgeliyey 1 dugsi sare caadi ah, 3 heer dugsi saree ee mihnadaha xisaabta, cabbirka dhulka iyo xarunta tababarka macallimiinta dugsiyada hoose. Dugsiyadaas oo dhan waxa ay lahaayeen lntooda badan min 1 fasal 1960 kii.
1960-1969 Madaxdii Maamulka Dalka kala wareegtay gumeystayaashii 1960kii ma ahayn kuwo aqoon iyo waayaaragnimo maamul dowladeed lahaa, waxa ayse u badnaayeen kuwo daacad u ahaa dalkooda iyo dadkooda. Ayadoo ay sidaas ahaayeen ayey dhaxleen Dal dhan kasta uu ka haystay dib u dhac (dhaqaale, siyaasad, caafimaad, waxbarashada, adeegga iyo wax kastoo dal ku dhaqaaqo).
Tobankaas sano wax isbeddel dhanka horuumarka ah oo macno leh lagama sameyn guud ahaan, sababo la xiriiray, duruufihii qallafsanaa ee mataanaha la ahaa jamhuuriyadda soomaaliyeed ee curdunka ahayd.
Dhanka waxbarashada waxaa laga sii ambaqaaday nadaamkii laga dhaxlay isticmaarkii tegay, mana jirin wax macno leh oo laga beddelay barnaamijkii waxbarasho (manhajkii) uu ka tegay gumeysigii. Dhallinyaro aan badneyn oo dhameysatay dugsiyadii sare ayaa waxbarasho jaamacadeed loogu diray dalal dibadda ah; sida Talyaaniga, Ingriiska, Ruushka, Masar iyo kuwa kale. Afafka wax lagu barto waxay ahaayeen Talyaani koofurta Dalka, halka gobollada waqeeooyi wax lagu baran jiray af-Ingriis iyo dugsiyo fara ku tiris ahaa oo Carabi wax lagu baran jiray sida Dugsigii ALLAH ee masaaridu maamuli jirtay; Afsoomaaligu ma ahayn mid qoran; sidaas darteed wax laguma bara jirin.
1970-1990 labaatankaan sano waxa ay ku asteysan yihiin xilligii Kacaankii 21 ka Octoobar 1969 oo xukunka Dalka ay majaraha u hayeen ciidamadii Xoogga Dalda uuna hoggaaminaayey Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre. Muddadaas waxan uu Dalku ku tallaabsadey is-beddello waa-weyn ee dhan kasta ah; xag dhaqaale, siyaasad, bulsho, caafimaad iyo waxbarashaba. Waxaan si gaar u iftiimineynaa horumarkii waxbarashada ee xilligaas maadaama aan bilowgi qoraalkaan kusoo shegnay in ujeeddadeeynu tahay Sooyaalka waxbarashada Soomaaliya. Dowladdii Kacaanka waxa ay qaadday tallaabooyin waaweyn ee dhanka waxbarashada; xilligaan waxaa lagu baahiyay dhamaan degmooyinka dalka boqollaal dhismooyin dugsiyo waxbarasho ee heerarka kala duwan (Hoose, Dhexe iyo Sare). Waxaa markii u horreysay ka hanaqaadey Muqdisho waxbarasho heer jaamacadeed ahayd (Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed); waxaa lagu guuleystay in la qoro Afsoomaaliga, waxaa la qaadey ololihii caanka ahaa ee la dagaallanka wax qoris-aqris laโaanta (literacy & Numeracy campaign); waxaa la hirgeliyay manhaj ku qoran afka soomaaliga laga bilaabo dugsiyada hoose ilaa kuwa sare. Qorista afsoomaaliga waxa ay door lama illowaan ah ka qaadatay hoos u dhigidda wax-aqris iyo qoris laโaantii bulshada soomaaliyeed. Qorista afka Soomaaliga ka hor, heerka wax qorista/akhrin laโaantu waxa ay ahayd 85%, waxaana kor loo qaaday ilaa ay ka noqoto 45%
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxaa laga hirgeliyey in ka badan 10 kulliyadood oo ay ka qalin jebiyeen kumanaan arday Soomaliyeed. SNU waxa ay ahayd jaamacad haysata aqoonsi caalami ah (international recognition). Manhajka Jaamacadda Ummadda waxa uu ka imaan jiray Talyaaniga, Waxaa wax ka dhigi kiray macalimiin badan oo Ajnabi Waxaa xusid mudan in, guud ahaan maalgelinta Jaamacadda Umadda Soomaliyeed (JUS) ay bixinjirtay dowladda Talyaaniga (dhismayaasha campuses yada, hoyga ardayda, xafiisyada, qaybaha wax lagu barto, mushaaraadka macallimiinta, qalabka wax lagu barto iyo sheybaarrada iwm). 10kii sano ee u horreysay Macallimiinta wax ka dhigi jiray jamacadda 90% waxay ka iman jireen Dalka Talyaaniga. Waxaa jiray barnaamij dalka Talyaaniga takhasus loogu diri jiray qaar ka mid ah ardayydadii ka qali jibisay JUS, si ay qayb uga noqdaan macallimiinta wax ka dhiga JUS. Arrintaanu waxay kalliftay in afka wax looga barto JUS uu noqdo af-talyaani ayadoo maaddooyinka dugsiyada sare duruusta lagu dhigaayey af-soomaali. Sidaas darteed Waxay ardaydu ku khasbanaayeen, markey jamacadda bilaabayaan, in ay 1 sano ku qadato barashada af-talyaaniga, marka laga reebo kulliyaddii Afafka iyo tii Lafoole ee macallimiinta. Si loo dhiirri geliyo Tacliinta sare waxaa arday kasta oo soo dhameysta waxbarashada dugsiga sare la siin jiiray fursad uu ku dhigan karo jaamacadda lacag laโaan.
Qof kastoo dhameysta waxbarashda jaamacadda waxaa laga shaqaaleyn jiray wasaaradaha iyo wakaaladaha Dowladda. Ardeyda ka gasha kaalinta koowaad kulliyad walba waxaa loo qaadan jiray bare kaaliye ee Jaamamacadda si loogu diyaariyo in musytaqbalka ay kala wareegaan macalimiinti ajnabiga ah.
Laga soo bilaabo markii Dalku Xoroobay iyo midowgii labadii Gobol ee woqooyi iyo koofurta Soomaaliya, waxaa Dalka ka jiray isu-dhelli tir laโaan soo jireen ahayd ee dhanka shaqo helidda (employment opportunities) sababtoo ah Gobolladii waqooyi waxaa u ahaa afka rasmiga ah ingriis, halka koofurta afka rasmiga uu ahaa af-taliyaani. Xoogaagii yaraa ee aqoonyahannada (university graduates) oo kasoo kala jeeday Waqooyiga iyo Koofurta uma sinnayn fursadaha shaqo helidda iyo gaarista manaasib saree e Dowladda.
Madaama la qaatay in luqada ingriisku noqoto afka rasmiga ah ee looga shaqeeyo Xafiisyada Dowladda; wuxuu goโaankaanu guud ahaan saameeyey wasaaradihii, hayโadihii iyo wakaaladadihii Dowladda. Sidaas darteed waxaa si aad ah hoos ugu dhacay fursadihii shaqo-helista ee aqoonyahannadii wax ku kusoo bartay af-talyaaniga oo dhammaan kasoo jeeday gobollada koofureed ee Dalka.
Waxaa, dhanka kale, xusid gaar ah mudan:
1- Dowladda ayaa ahayd shaqo-siiyaha ugu weynaa xilligaas 90% (major employer at the time), taasoo caadi ka ah dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo (underdeveloped Countries). Halkaan waxaa cad in miisaankii shaqo helinstu u liicay dhanka dadkii wax kusoo bartay af-ingriiska ee kasoo jeeday Gobolladi Woqooyi.
2- Dhammaan wasaaradihii iyo hayโadihii dowladda ee wax xiriir ah la lahaan karey Dibadda (relations with foreign countries and international institutions) waxaa fursado shaqo ka helay dhallinyaradii iyo aqoonyahanaddii wax kusoo baratay Gobolladii woqooyi, sidaasna ku hantay intii badneayd shaqadii, derejooyinkii dhexe iyo kuwii saree ee hayโado dowladeed oo badan sida: wasaarado muhim ahaa, wakaalado, Safiirradii iyo howl-wadeennadii kale ee safaaradaha, agaasimayaal guud, maareeyeyaal guud iyo derejooyin kaloo aan halkaan lagu soo koobi Karin.
Xaaladaha aan kor kusoo xusnay waxa ay ka dhasheen duruufihii ay ku kala sugnaayeen labadii gobol ee Woqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya xilligii xurriyadda iyo midowgii.
Waxaan tusaale usoo qaadaneyna, qaar ka ka mid ahaa, saraakiishii rayidka oo hormuudka u ahayd Maamulladii dowladdihii Soomaaliyed ee 1960-1990:
Ahmed siilaanyo, Ibrahim Meygaag, Jaamac Rabbiile, Adan Cabi Xuseen, Xuseen Ceelaabe, Maxamed Sh. Xasan Nuuriye, Cali khaliif Galleyr, Dugsiiye, Maxamed Warsame Ducaale (Bay project), Buraale (libsoma), Xandulle (Wakaaladda Biyaha), Sheef (Bankiha Ganacsiga), M M Nuur kii Bankiga Horuumarinta, Xasharo, Abdi giirre (Mugambo), iyo in kaloo badan. Waxaa intaa dheeraa ayadoo safiirradii dalalka dibadda uga wakiilka ahaa Soomaaliya ay ugu yaraan 70% kasoo jeedeen gobollada Woqooyi.
1990-2024, xilligaan waxaan u kala qaadeynaa 2:
1990-2000, tobankaan sano waxay ahayd bilowgii burburkii Dowladdii Soomaaliyeed oo ay meesha ka baxeen wax kasta oo nadaaan maamul Dowladeed ahaa. Sidaas awgeed waxaa Dalka ku baahay dagaallo sokeeye oo sababay, dhimasho, dhaawac, barakac iyo bur-bur saameeyay dhammaan kaabayaashii bulsho-dhaqaale, hantidii dowladda iyo tii dadweynahaba oo boob, dhac iyo bililiqo ku baabaโay.
Waxaan ka badbaadin biliqadii xilligaas hubkii iyo saanadii ciidamadii difaaca qaranka iyo amniga gudaha. Xilligaaan dib loogama bilaabin Dalka waxbarasho caadi ah (formal education) inkastoo meelaha qaarkood laga asaasay dusiyo aan lahayn manhaj waxbarasho. Waxaa dudsiyadaas abaabulay shakhsiyaad kaalmo dhaqaale ee baniโaadannimo kasoo qaatay haโyado samofaloyaal ah(INGO), dalal carbeed, dowladaha dariska sida Kenya iyo kuwa Muslim ah. Waxa ay asaaseen dugsiyo hoose dhexe oo wax lagu barto afaka carabiga oo ay tayadoodu aad u hooseysay kuwaasoo isticmaalaya manaahij aan rasmi ahayn oo ay dejiyeen haโyadaha dhaqaalaha bixiyey. Waxaa xusid mudan, shakhsiyaadka abaabulayey waxbarashada noocaas ah waxa ay ahayeen inta badan kooxo diimeed dhaqaale ka sameynayey waxbarashadaas. Taasi waxay keentay in ubadkii Soomaaliyeed oo suuqa daadsanaa aysan fursad siman u helin waxbarashadaas ee mudnaanta la siin jiray ubadka kooxa diimaadkaas.
Bal qiyaas jiilkii 1990 ahaa 10 jir ee 2000 noqday 20 jir ayagoon helin fursado wax barasho, kuna barbaaray amaba qayb ka noqday fowdo tii u darned dhexdeeda.
2000-2024, Xilligaan waxaan ku iftiimin doonaa xaaladaha waxbarasho ee guud ahaan Dalka, anigoo il gaar ah ku fiiri doona xaalaha waxbarasho ee Koofurta Soomaaliya.
Ayadoo, sida aan kusoo sheegnay heerka 1aad, aysan waxbarasho nadaamsan jirin (Formal education), ayaa waxaa lasoo gaaray heerkan 2aad oo waxa ay waxbarashadii isu beddeshay mashaariic ganacsi oo jaantaa rogan ah. Waxaa loo tartamay abaabul iyo hirgelin dusiyo hoose-dhexe- sare iyo jaamacado aan habayaraatee lahayn wax nadaam ah iyo maamul dowli ah oo kormeer iyo korjoogteyn ku sameeya.
Waxaa dhacay in qofkasta oo xoogaa lacag ah haystay/helikaray uu kireysto guri kuna magacaabo DUGSI HEBEL ama Jaamacd HEBEL. Waxaa ayaan darro ahayd in kuwa dugsiyadaas abaabulayey 99% aysan aqoon iyo nadaam iyo maamul waxbarasho midna lahayn; ujeedkoodu wuxuu ahaa oo kaliya kasbasho dhaqaale, mana ahayn kuwo ay u muuqatay dhagarta iyo dibindaadyada ay u dhigayeen mustaqbalka jiilalasha soo koraayey. Xaaladdaanu waxa ay si baโan u dhaawacday mustaqbalka waxbarasho ee Gobollada koofureed, inkastoo ay siyaabo kala duwan u saameysay dhamaan Dalka intiisa kale.
Waxaa dadaal badan sameeyay Dalladihii Waxbarasho ee xilli dhexe (2000-2010) ku soo biiray saaxaddii waxbarasho ee Dalka; haseyeeshee waxaa dadaalkoodii wiiqayay dhaqan xumadii ka horreysay ee ganacsatadii iyo kooxo diimeedyadii ku tuntay waxbarashada. Waxaa hore loo yiri โAayaddii alif ka wareerta Albaqra kama toostoโ. Waxaa caado noqotay in la iibsado shahaado heer kasta ah, min dugsi hoose illa shahaado jaamacadeed. Waxaa kale oo caado noqotay in ardey waxbarasho ku dhaca uusan jirin arrimo amni iyo daacad darro awgood. Dhaqan xumidaan waxay dhaxalsiisay malaayiin dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ay u suurtoobi weysay in ay Dalka ka tahriibaan, inay xilligaan dugsanayaan shahaadooyin been abuur ah ama aysan lahayn aqoonteeda; taasoo lagu tilmaami karo musiibo heer qaran ah oo aan lagu baraarugsaneyn saaxada noloshana ka saartay jiilal soomaaliyeed oo naftooda, dalkooda iyo dadkooda wax tari lahaa.
Waxaa dhanka kale dhibaato lasoo deristay waalidiintii duruufihii adkaa kharash ku bixinaayey waxbarashada ubudkooda, kuwaasoo tacabkoodii laga dhigay HAL BACAD LAGU LISAY, maadaama ay ubakoodi darbiyada la fadhiyaan waraaqo (shahaadooyin been abuur ah oo lagu khayaanay) oo aan waxba u tareyn.
Waxaa intaas u dheer, dhallinyaradii lagu khiyaanay dugsiyo iyo jaamacado aan tayo lahayn, in uusan jirin maamul dowladeed oo fiiro u leh xalaaladaha murugada leh ee haysta boqollaalka kun ee jiilashii 30 iyo dowrkii sano ee ka dambeeyay buburkii dowladdii Soomaaliyeed ee 1990kii. Fursadaha yar ee shaqooyinka soo baxa waxaa qaata dad dibad joog ahaa oo si eex iyo qaraabo kiil ah loogu meeleeyo shaqooyinka soo baxa. Arrinkaan waxaa fududeeya ayadoo inta badan haโadaha Dowladda (wasaaradaha iyo Wakaaladaha) ay madax ka yihiin xubno qurbajoog ah oo si aan gabbasho lahayn oo cadaaladda ka fog u shaqaaleysiiyo qaraabadooda ama qaraabada madaxda saree ee Dalka.
Xilligan la joogo waxaa dhallinyada u furan (kuwa wax bartay iyo kuwa aan wax baranba) in ay xubno ka noqdaan(Asker) qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga; fursaddaan nafteedu waxa ay mararka qaar u baahantahay gacan qabad.
Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, oo ah shakhsi wax badan ka mid ahaa dalladihii waxbarashada, ayaa labadii sano ee u dambeysay isku deyayey inuu wax ka beddelo khayaanadii ku socotay waxbarashada ardayda soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.
Tallaabooyinka uu qaaday wasiir Faarax Cabdulqaadir waxaa ugu muhimsan:
Kordhinta tirada macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada hooe-dhexei-sare, hase yeeshee macallimiintu ma ahan kuwo leh aqoon iyo khibrad wax-barid (Knowledge and teaching skills). Kama jirijirin Dalka machadyo iyo kulliyado jaamacdeed oo lagu diyariyo macallimiinta mustaqbalka (teachers training institutes and university faculties). Arrintaas oo 5-tii sano ee u dambeysay xoogaa soo hagaageysay. Jaamacadaha gaarka loo leeyahay oo awalba iska tayo liitay iyo Jaamacadda Ummadduba, waxay ku dadaaleen in ay hirgeliyaan kulliyado waxbarasho oo ay macalimiintu ka soo baxaan (Faculties of education). Sidoo kale dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe, qaarkood, waxaa laga hirgeliyey xarumo lagu tababaro macalimiinta (Teacher training centres) oo laga maalgeliyey mashruuc loo yaqaan Global partnership for education(GPE) oo kharajka ka hesha dowladda Mareykanka. Halkaas waxaa ka muuqatay haddii amaanka wadanku sii hagaago, dadaalka iyo tayeynta macaliintuna si socoto in mustaqbalka dhaw tayada waxbarashadu ay horumar sameyn karto.
1- Wasaaraddu waxay soo rogtay in ardayda soo dhameysata dugsiyada sare ay maraan sannad waxbarasho oo dheeri ah inta aysan bilaabin Jaamacadaha (Foundation year), gobolada qaarkoodna laga yiraahdo (Semister zero) taaas oo loola jeedo in lagu xoojiyo aqoontooda heerka dugsi sare.
2- Waxaase barnaamijkaan macno tiraya in ardayda soo dhameysata dugsiyada sare, oo intooda badan aan soo marin waxbarasho xiriir ah (hoose-dhexe-sare); Sidaas darteed wax badan soo kordhin mayo hal sano. Waxa ugu muhiimsan oo sannadkaas la barayaa waa luqadda Ingiriiska iyo hab qorista saxda ee Af soomaaliga (Somali professional writing).
3- Wasaaraddu waxay bilowday dib-u-habeynta (reform) boqollaalka jaamacadood ee Dalka ka jira ee in badan ah magac u yaal aan lahayn wax nuxur iyo tayo toona. Arrinkanu ma ahan mid sahal looga gun gaari karo maadaama ay taabaneyso dano shakhsiyaad leh awood siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba oo ku hodmay ka ganacsiga dugsiyada iyo jaamacadaha gaarka loo leeyahay.
4- Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Waxbarashada sanooyinkan dambe laga hirgaliyey barnaamij loo yaqaan EIMS (Educartion Information management system). Barnaamijkaas (Data base) waxa uu sahlayey in dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee dalka ka jira lagu xareeyo warbixintooda oo dhammeystiran si loola socdo in ardeygu waxbarasho xiriir ah leeyahay isla markaasna imtixaanada ay galaan iyo dhibcaha ay ku gudbiyaan ay sax yihiin. Barnaamijkaasi waa uu ka hirgalay dalka marka laga reebo Somaliland.
Waxaa kaloo wasaaraddu ay soo kordhisay mid la mid ah EIMS oo loo yaqaan HEIMS (Heigher education information management system). Barnaamijkaan waxaa loogu talo galay in lagula socdo xaaladda waxbarasho ee Jaamacadaha dalka. Ardey kasta oo Jaamacad dhigta dalka oo ay ku jirto Somaliland waxaa uu leeyahay HEIMS LAMBER, haddii kale wasaaraddu uma aqoonsaneyso in uu ardeygaasi jaamacad dhigto ama uu ka soo qalin jabiyey. Barnaamijklas HEIMS wuxu hirgalya horrantii 2024.
Barnaamijyada kor ku xuan oo intooda badan laga maalgelin jiray kaalmo ka imaneysay USAID, waxaa dhibaato weyn u keeni kara goโaanka Madaxweyne Trump ku joojiyey dhamaan maalgelinti ay bixi jirtay Hayโadda USAID.
Geba gebo iyo talo jeedin:
Tayeynta manaahijta iyo horumarinta aqoonta iyo mihnadda waxbaridda macallimiinta waa tallabooyinka ugu horreeya ee xilligaan waxbarashda Dalka hor u tabinta u leh (firt priority for Somalia education).
Dhanka tacliinta sare waxaa loo baahanyahay dib u eeegidda tayada jaamacadaha Dalka ka jira iyo dib u habeyntooda (universities review and reform) oo ay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ku tallaabsatay, balse loo bahanyahay in si dhab ah loo hirgeliyo dib u habeynta jaamacadaha Dalka. Wasaaradu waxay macagacowday guddiga Tacliinta sare oo ku meel gaar ah. Guddigaasi waxay tirokoobeen Jaamacadaha dalkaa, waxay kormeereen jaamacad walba labo goor, laga soo bilaabo Hargeysa ilaa Kismaayo. Waxay soo saareen qiimeyn hor dhac ahayd ayagoo qiimeeyey 106 Jaamacadood. Waxay u aqoonsadeen 41 ka mid ah in ay yihiin Jaamacdo hore usii socon kara., qaybo kalena waxay ku qiimeeyeen in la siiyo fursad ay ku hagaajiyaan waxa ay hayaan. In badan oo ka mid ah waxay soo jeediyeen in la xiro.
Nassib darro, guddigaas sababo sharci awgeed ayuu isaga baabaโay, talooyinkoodiina lama hirgalin. Waxaase la rajeynayaa in mid cusub la magacaabo sannadkaan 2025ta gudihiisa.
Waxaa, dhanka kale, wax ka qabasho deg deg ah u baahan curinta barnaamijyo heer qaran ee lagu jahaynaayo dugsiyo farsamo kala duwan oo dhallinyarada iyo daโdhexaadda Soomaaliyeed (young and middle-aged) oo ku nool guud ahaan Dalka gudihhisa, gaar ahaan koofurta Soomaaliya, ee lagu khayaanay waxbarasho aan tayo lahayn iyo shahaadooyin jaamacadeed oo been-abuur ah. Ayadoo ay jirto in dhallinyarada intooda badan aysan helin xataa fursadaha lagu hantay shahaadooyinka wax laguma dheefaanka ah.
Sanadihii 2000 ilaa 2017-kii haโyado maxalli ah (NGO) ayaa dhaqaale uga soo qaadan jiray haโyadaha UNICEF, NRC USAID, ETC in ay sameeyaan dugsiyo lagu barto mihnado shaqo sida Harqaanka haweenka, korontada, farsamada baabuurta, sameynta qalab xaafiisyada(Carpenter) iwm. Haโyadahaasi marar badan ayagoo aan sameyn wax dugsi ah ayey lacagta ku lunsan jireen warbixin been ah oo ay u qori jireen ciddi lacagta bixisay. Waxaa dhici jirtay in ay dad ay 5 dolar ama 10 doolar inta qof kasta siiyaan oo qol iskugu keenaan ay masawirro ka qaadi jireen.
Hadda wasaaradda Waxbarashada waxay diyaarisay manhaj farsamada gacanta ah, waxa ayna isku dayeysaa in ay buuxiso kaalintii haโyadahaas. Laakiin weli wax rasmi ah oo muuqda ma sameyn marka laga soo tago sameynta Manhajkaas.
Waxaa ayaan darro ah in, habayaraatee, aan lagu baraarugsaneyn baaxadda ay laโegtahay kala fogaanshaha tirada dadka soo dhameysanaya jaamacadaha aan tayadooda soo sheegnay, kuwa dugsiyada sare dhameystay iyo guud ahaan dhallinyarada rajo-laโaanta derbiyada fadhiya; iyo dhanka kale oo Dalka uusan ka jirin, soona muuqan waqtiga dhow koboc iyo horuumar dhaqaale (economic growth and development in the foreseeable future) oo dabooli kara baahida shaqo (absorptive capacity of employment demand).
Waxaa lagama maarmaa ah in la wajaho baadi goobka xal u helidda dhibaatooyinka shaqao laโaanta ah oo ay la ildaranyihiin bulshada qaybaheeda kala duwan siiba kuwa dhameystay wax-barashada heerarkeeda kala duwan ayadoo la tixgelinaayo duruufihii lasoo dersay muddadii waxbarashadoodii.
Waxyaabaha lagu tallabsan karo waxaa ka mid ah abaabulid machadyo iyo dugsiyo farsamo oo lacag laโaan ah (free technical institutes and vocational training schoolos) oo lagu barto farsamooyinka iyo xirfadaha kala duwan sida: dhismaha qaybihiisa kala duwan, koronta caadiga ah, Solar ka iyo korontada baabuurta, mihnadda hoteellada iyo soo dhoweynta (hospitality and turismo), alxanka biraha, Farsamada alwaaxda iyo biraha (welding, wood and steel carpentary), makaanikada, cunto karinta, hagaajinta computers-ka iyo teleefoonnada (computer hardware and mobile repair technicians) iyo farsamo iyo xirfad kastoo dowr ka qaadan karta horumarka bulsho-dhaqan-dhaqaale ee Dalka.
Haddii aan la qaadin tallaabooyin wax ka beddeli kara dhibaatooyinka is-biirsaday ee ragaadiyay bulshada soomaaliyeed, ma foga waqtiga la filan karo kacdoon bulsho (social apprising) oo ay hormuud ka yihiin dhallinyarada rajo laโaanta la ildaran.
Pro Abdullahi Ahmed Afrahย
Wasiirki hore ee Ganacsiga TFG ga