Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”
    February 6, 2026
    NISA oo hawlgal ku dishay horjooge Axmed Dhuxul Xidig oo ka tirsanaa Khawaarijta
    February 5, 2026
    Shirkii golaha wasiiradda oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha
    February 5, 2026
    WARBIXIN: Xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya
    February 5, 2026
    Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Labada Dal
    February 5, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaliya ayaa martigelinaysa Shirka Wasiiradda gaashaandhiga ee dalalka Safka hore oo Soomaliya hormuud u tahay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Soomaliya ayaa martigelinaysa Shirka Wasiiradda gaashaandhiga ee dalalka Safka hore oo Soomaliya hormuud u tahay
MaqaalladaWararka

Soomaliya ayaa martigelinaysa Shirka Wasiiradda gaashaandhiga ee dalalka Safka hore oo Soomaliya hormuud u tahay

By SB
Last updated: January 31, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Soomaaliya ayaa maanta martigelinaysa shir ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan  Wasiirrada gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka deriska, loona yaqaano Dalalka Safka Hore,Waddamada Soomaaliya ku wehliya, kulanka maanta dalalka ka qayb gelayaa ayaa kala ah Kenya, Djibouti iyo Ethiopia.

Waxaa sidoo kale maalinta berri ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir gogol xaar u ah shirka madaxda dalalka safka hore,sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Wasiirka warfaafinta XFS,shirka ay berri ku yeelanayaan magaalada Muqdisho ayaa waxa hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Shirkan lagu gorfeynayo dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin Khawaarijta, isku dubaridka taageerada muhiimka ee dalalka safka hore iyo sidii laysaga kaashan lahaa howlgallada, isagoo xusay in kulankani uu sahlayo ciribtirka Khawaarijta.

Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada Waddamada safka hore ayaa kulankooda maanta ku diyaarin doona ajendaha shir madaxeedka berri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo gulufka Millateri ee ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta iyo guud ahaan Amniga gobolka.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in Dowladdu ay cudur daar ka bixineyso saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho, iyadoo saamayn ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Shirka waddamada safka hore ee ay Soomaliya horkacayso kana mid yihiin dalalka Jabuuti,Ethiopia iyo Kenya ayaa lagu wadaa in lagu mideeyo Istiraatiijiyadda lagu wajahayo howlgallada ka dhanka ah argagixisada,iyadoo la qorsheeyey marka la dhameeyo hawsha xasillinta Amniga in loo gudbi doono mustaqbalka dhanka iskaashiga Dhaqaalaha iyo wax is dhaafsiga ganacsiga sida uu sheegay Wasiirk Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS.

Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa Soomaaliya oo cagta saartey dariiqii dalka dib nabad buuxda loogu soo celin lahaa, loogana sifeyn lahaa argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabka 15 kii sano ee la soo dhaafay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”

Muqdisho.SONNA...Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ka hadlay barnaamijka todobaadka ee warbaahinta qaranka…

February 6, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Muqdisho(SONNA);-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis ka-dhaafid fiiso…

GudahaWararka
January 25, 2026

Maamulka Bangiga dhexe oo Faahfaahin ka bixiyey Dabkii Xalay ka kacay Qeyb kamid ah Bangiga.

Muqdisho (SONNA)-Maamulka Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa  Faahfaahin ka bixiyey Dabkii Xalay ka kacay Qeyb kamid ah Bangiga, kaasi oo…

Wararka
January 28, 2020

Xildhibaano lagu doortay Muqdisho

Muqdisho.(SONNA):- Doorashada saddex kursi oo ka mid ah golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah lagu…

GudahaWararka
February 5, 2022

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka warbixiyay kulan xalay Ra”iisul Wasaaraha uu la qaatay ganacsatada

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Iimaan Biixi Cige oo ka warbixiyey kulankii uu caawa Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre…

GudahaWararka
August 18, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023