Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo u dabaaldegaysa “guul taariikhi ah” ka dib markii laga cafiyay $4.5 bilyan oo deyn ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo u dabaaldegaysa “guul taariikhi ah” ka dib markii laga cafiyay $4.5 bilyan oo deyn ah
GudahaWararka

Soomaaliya oo u dabaaldegaysa “guul taariikhi ah” ka dib markii laga cafiyay $4.5 bilyan oo deyn ah

By Khadar Mahdi
Last updated: December 13, 2023
3 Min Read
Share

Washington DC (SONNA):- Sanduuqa dhaqaalaha Adduunka oo magaciisu loo soo gaabiyo IMF iyo Bangiga Adduunka qaybta IDA (oo bixiyo deyn aan dulsaar lahayn iyo gargaar horumarineedba) ayaa Soomaaliya u oggolaaday in laga cafiyo deymaha.

Goโ€™aankan ayaa yimid ka dib markii DF ay ku guuleysatay dhamaystirka barnaamijka loogu talagalay in lagu samatabixiyo dalalka saboolka ah ee deymaha faraha badan lagu leeyahay oo loo yaqaan (HIPC).

Go’aankan muhiimka ah wuxuu hoos u dhigayaa deynta dibadda ee Soomaaliya oo u dhiganaa 64% ee dakhliga dalka sanadkii 2018, halka uu dhamaadka 2023 noqon doono wax ka hooseysa 6%.

Deyn Cafinta ama dib-u-qaabaynta deynta, waxay ku timid taageerada deyman-bixiyeyaal kala duwan, oo ay ka mid yihiin IMF, IDA, Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF), iyo hayโ€™ado kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku nuuxnuuxsaday dadaalka xukuumdaha soo maray dalka 10kii Sano ee la soo dhaafay ay ka geysteen ilaa heerkan laga soo gaaray.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ee XFS mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa iftiimiyay dadaalada lagu bixiyay soo kabashada dhaqaalaha qaranka, taasoo keentay korodhka dakhliga gudaha, adkeynta maamulka maaliyadda dawladda, iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha.

Wasiirka ayaa sheegay in hormarkaasi lagu gaaray iyada oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin Isbadalka Cimilada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhanka kale, Maamulka IMF iyo Bangiga Adduunka aya bogaadiyay u hoggaansanaanta dalka ee shuruudaha (HIPC), xilli uu dalka wajahayay dhibaatooyin ay ka mid yihiin Caabuqa Covid-19 iyo khataraha amniga, .

Agaasimaha IMF ee Bariga Dhexeโ€ Jihad Azourโ€, ayaa bogaadiyay dib u soo kabashada Soomaaliya ka dib dagaallada sokeeye iyo dadaallada siyaasadeed, halka ku xigeenka madaxa Bangiga Adduunka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Victoria Kwakwa, ay ammaantay dib-u-habaynta ku socoto dhaqaalaha dalka oo qeyb ka qaadanaysa dhimista faqriga.

Dowladda Soomaaliya ayaa u taagan sii wadida dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka, ka dib dhamaystirka barnaamijka (HIPC), iyadoo kaalmo farsamo oo joogto ah iyo hagitaan siyaasadeed ka heleysa Bangiga Adduunka iyo IMF. Bangiga Adduunka ayaa diiradda saari doonaa shanta sano ee soo socota dhisidda hay’adaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Cafinta deymaha ayaa Soomaaliya ka dhigaysa waddankii 37-aad ee dhamaystira barnaamika (HIPC) tan iyo markii la aasaasay 1996.

Guushan taariikhiga ah kaliya maaha in ay calaamad u tahay isbeddelka dhaqaalaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay tusaale u tahay guusha iskaashiga caalamiga ah ee ku aadan kobcinta dhaqaalaha adduunka iyo dhimista saboolnimada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Isu Duwaha Qaramada…

GudahaWararka
July 5, 2025

Horin ka tirsan Banda Musikada Booliska oo tababar loogu soo xiray Akadeemiyada Gen. Kaahiye

Muqdisho, (SONNA): Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed S/Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa tababar usoo xirey horin ka tirsan Banda…

GudahaWararka
August 22, 2024

Madaxweynaha: kama cabsanayno kuwa isku dayaya in ay afka ku dumiyaan dowladnimada

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan ka cabsan doonin kuwa isku dayaya in ay…

GudahaWararka
July 2, 2024

DEGDEG: Ciidamda Qaranka oo magaalda Wabxo ka saaray kooxda Khawaarijta

Dhuusamareeb (SONNA): Ciidanka Qaranka oo kaashanaya ciidamada shacabka deegaanka ayaa goor dhaw si buuxda ula wareegay magaalada Wabxo ee gobolka…

GudahaWararka
August 21, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023