Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo u dabaaldegaysa “guul taariikhi ah” ka dib markii laga cafiyay $4.5 bilyan oo deyn ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo u dabaaldegaysa “guul taariikhi ah” ka dib markii laga cafiyay $4.5 bilyan oo deyn ah
GudahaWararka

Soomaaliya oo u dabaaldegaysa “guul taariikhi ah” ka dib markii laga cafiyay $4.5 bilyan oo deyn ah

By Khadar Mahdi
Last updated: December 13, 2023
3 Min Read
Share

Washington DC (SONNA):- Sanduuqa dhaqaalaha Adduunka oo magaciisu loo soo gaabiyo IMF iyo Bangiga Adduunka qaybta IDA (oo bixiyo deyn aan dulsaar lahayn iyo gargaar horumarineedba) ayaa Soomaaliya u oggolaaday in laga cafiyo deymaha.

Go’aankan ayaa yimid ka dib markii DF ay ku guuleysatay dhamaystirka barnaamijka loogu talagalay in lagu samatabixiyo dalalka saboolka ah ee deymaha faraha badan lagu leeyahay oo loo yaqaan (HIPC).

Go’aankan muhiimka ah wuxuu hoos u dhigayaa deynta dibadda ee Soomaaliya oo u dhiganaa 64% ee dakhliga dalka sanadkii 2018, halka uu dhamaadka 2023 noqon doono wax ka hooseysa 6%.

Deyn Cafinta ama dib-u-qaabaynta deynta, waxay ku timid taageerada deyman-bixiyeyaal kala duwan, oo ay ka mid yihiin IMF, IDA, Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF), iyo hay’ado kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku nuuxnuuxsaday dadaalka xukuumdaha soo maray dalka 10kii Sano ee la soo dhaafay ay ka geysteen ilaa heerkan laga soo gaaray.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ee XFS mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa iftiimiyay dadaalada lagu bixiyay soo kabashada dhaqaalaha qaranka, taasoo keentay korodhka dakhliga gudaha, adkeynta maamulka maaliyadda dawladda, iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha.

Wasiirka ayaa sheegay in hormarkaasi lagu gaaray iyada oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin Isbadalka Cimilada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhanka kale, Maamulka IMF iyo Bangiga Adduunka aya bogaadiyay u hoggaansanaanta dalka ee shuruudaha (HIPC), xilli uu dalka wajahayay dhibaatooyin ay ka mid yihiin Caabuqa Covid-19 iyo khataraha amniga, .

Agaasimaha IMF ee Bariga Dhexe” Jihad Azour”, ayaa bogaadiyay dib u soo kabashada Soomaaliya ka dib dagaallada sokeeye iyo dadaallada siyaasadeed, halka ku xigeenka madaxa Bangiga Adduunka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Victoria Kwakwa, ay ammaantay dib-u-habaynta ku socoto dhaqaalaha dalka oo qeyb ka qaadanaysa dhimista faqriga.

Dowladda Soomaaliya ayaa u taagan sii wadida dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka, ka dib dhamaystirka barnaamijka (HIPC), iyadoo kaalmo farsamo oo joogto ah iyo hagitaan siyaasadeed ka heleysa Bangiga Adduunka iyo IMF. Bangiga Adduunka ayaa diiradda saari doonaa shanta sano ee soo socota dhisidda hay’adaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Cafinta deymaha ayaa Soomaaliya ka dhigaysa waddankii 37-aad ee dhamaystira barnaamika (HIPC) tan iyo markii la aasaasay 1996.

Guushan taariikhiga ah kaliya maaha in ay calaamad u tahay isbeddelka dhaqaalaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay tusaale u tahay guusha iskaashiga caalamiga ah ee ku aadan kobcinta dhaqaalaha adduunka iyo dhimista saboolnimada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taariikhda kulamadii ugu muhiimsanaa ee madaxda dalalka Ruushka iyo Mareykanka

Shalay waxaa magaalada Genève ee dalka Switzerland kulan muhiim ah oo looga hadlay dhinacyo badan ku yeeshay madaxweynaha  Mareykanka Joe…

Caalamka
June 17, 2021

Wadatashi ku saabsan Arrimaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo lagu qabtay Muqdisho

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo ka qeyb galay Kulanka Wadatashiga Arrimaha Webiyada dalka oo maanta lagu qabtay…

Wararka
September 9, 2019

Xildhibaan Ismaaciil Iidow Maxamed oo si rasmi ah ula wareegay xubinta guddiga fulinta Baarlamaanka carabta ku metelaysa Soomaaliya

Algiers(SONNA):-Xubnaha guddiga fulinta ee baarlamaanka Carabta oo ay Soomaaliya xubin firfricoon ka tahay ayaa kulan ku yeeshay Magaaladda Algiers ee…

GudahaWararka
May 2, 2025

Wasiirka Caddaaladda oo maanta ka qaybgalay daahfurka mashruuc lagu horumarinayo xirfadaha shaqaalaha dowladda

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay daahfurka mashruuc lagu horumarinayo xirfadaha shaqaalaha…

GudahaWararka
July 15, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023