Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo ka qeybgalay xaflad lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha
    April 9, 2026
    Danjire Mohamed Osman oo waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Dowladda Nigeria
    April 9, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho
    April 9, 2026
    Guddoomiye Muungaab “Mashruuca biya mareennada magaalada ayaa bilaha soo socda la dhagax dhigi doonaa”
    April 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM
GudahaWararka

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

By Abdulkadir
Last updated: February 15, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM [African Peer Review Mechanism (APRM)], oo ah habraac uu aas-aasay Midowga Afrika si dalalka xubnaha ahi ay isu qiimeeyaan, isu la xisaabtamaan, isla markaana u horumariyaan maamul wanaagga, hufnaanta iyo tayada hay’adahooda dowladeed.

Ku biiristan ayaa lagu xaqiijiyay intii uu socday Kal-fadhigii 35-aad ee Madasha Hoggaamiyeyaasha Dalalka iyo Dowladaha ee APRM, halkaas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud, uu ku saxiixay Heshiiska Is-afgaradka ku biirista (MoU), taas oo muujinaysa go’aan heer qaran ah oo lagu xoojinayo hannaanka dib u habaynta dowladeed.

APRM ma aha hannaan kormeer dibadeed oo lagu farageliyo dalalka, balse waa nidaam ay dowladuhu si ikhtiyaari ah ugu oggolaanayaan in la qiimeeyo siyaasaddooda, hay’adahooda iyo nidaamyadooda maamul si loo ogaado meelaha horumar laga sameeyay iyo meelaha u baahan dib u habayn iyo tayeyn. Tani waxay kor u qaadaysaa isla xisaabtan, wadaagis khibradeed, iyo isbarbardhig wax ku ool ah oo u dhexeeya dalalka Afrika.

Ku biirista Soomaaliya ee APRM waxay caddeyn u tahay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga, dhisidda hay’addo dowladeed oo hufan oo isla xisaabtan leh, maareyn dhaqaale oo mas’uuliyad ku dhisan iyo horumar bulsho oo loo dhan yahay.

Tallaabadani waxay sidoo kale sii xoojinaysaa kaalinta Soomaaliya ee qaab dhismeedka Midowga Afrika, iyada oo la jaanqaadaysa himilooyinka Ajandaha 2063: Afrikada aan doonayno, kana tarjumaysa dadaallada joogtada ah ee lagu adkaynayo nabadda, xasiloonida iyo horumarka waara.

Ku biirista APRM waa astaan muujinaysa in Soomaaliya ay si kalsooni leh uga qaybqaadanayso hannaannada wadajirka ah ee qaaradda, iyada oo door firfircoon ka qaadanaysa kor u qaadidda maamul wanaagga iyo iskaashiga Afrika.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo ka qeybgalay xaflad lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha

Baydhabo.SONNA….Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa…

April 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo gudoomiye cusub u magacaabay Degmada Wadajir

Muqdisho:(SONNA)-Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Mudane Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyaha maamulka…

Wararka
July 21, 2020

Wasiirka cadaaladda oo ka hadlay la dagaallanka musuqmaasuqa

Muqdisho-(SONNA)- Wasiirka Cadaaladda iyo dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheegay in qorshaha la dagaallanka musuq maasuqa…

GudahaWararka
July 5, 2023

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb galaya shir madaxeedka 22aad ee COMESA

Muqdisho(SONNA):-Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Lusaka ee…

GudahaWararka
June 8, 2023

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo muqdisho ku yeeshay kulan muhiim ah

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulanka sanadlaha ah ee Guddiga Sare ee Hogaaminta Wadajirka…

GudahaWararka
July 16, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023