Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ururka Bulshada bariga Africa Cabdisalaan Hadliye ayaa sheegtay in Sanadkaan gudahiis Soomaliya ay kamid noqon doonto is bahaysiga la magac baxay ururka Bulshada Bariga Afrika.
Ergayga oo ka hadlay Xaflad sagootin ah oo loo sameeyo guddi ka socda ururkaasi oo maalmahaan Muqdisho u joogay sahan la xiriiray qaabka Soomaaliya ay uga qeybgali karto Isnaheysiga ayaa bulshada la wadaagay faaiidada Soomaaliya ugu jira ka mid noqoshada is bahaysiga Bulshada Bariga Afrika.
Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha dibadda XFS Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sidoo kale ka hadlay xafladdii sagootinta wafdigaasi oo oo ka kooban 40 xubnood oo kanaย socday dalalaka Kenya,Yugandha,Tansaanoya,Ruwanda ย Burundi Jamhuuriyadda Koongo iyo koonfurta Suudaan,kuwaas oo muddo 12 cisho ah oo ay joogaan dalka la kulmay heyadaha dowladda iyo ururada bulshada.
Qodobada aasaaska u ah ururka Bulshada Bariga Afrika,waxaa kamid ah mideynta canshuuraha xuduudaha,suuq wadaag,mideynta lacagaha iyo mideynta siyaasadda,hasa yeeshee xiligaan wafdiga ka socda ururka waxay qiimeynayaan sidii loo heli lahaa suuq wadaag iyo mideynta canshuuraha.
Ganacsatada Soomaaliya ee ka xoogsada dalalka geeska Afrika ayaa la filayaa in kamid noqodhada Soomaaliya ee ururkaasi ay ku soo kordhiyaan faaโidooyin badan oo ay ku jiraan badbaadinta naftooda iyo ganacsigooda.