Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo Martigelisay Madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee EAC
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo Martigelisay Madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee EAC
GudahaWararka

Soomaaliya oo Martigelisay Madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee EAC

By Sonna Whiteka
Last updated: December 5, 2024
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweysay madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee Urur Goboleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Shir saddex maalmood socday oo lagu qabtay Muqdisho, ayaa looga hadlay qorshayaasha horumarinta luqadda Sawaaxiliga, taas oo muhiimad weyn u leh isku socodka iyo ganacsiga bulshada Bariga Afrika.

Intii shirku socday, waxaa la isweydaarsaday fikrado ku saabsan xoojinta barashada luqaddan oo ah mid rasmi ah oo ay ku hadlaan dalal badan oo Bariga Afrika ka tirsan. Soomaaliya, oo dhammaadkii sanadka 2023 si rasmi ah ugu biirtay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ayaa muujisay dadaalkeeda ku aaddan horumarinta iskaashiga gobolka iyo adeegsiga luqadda Sawaaxiliga.

Xoghayaha fulinta – Guddiga Sawaaxiliga ee Ururka Bariga Afrika, Marwa Caroline Asimwe ayaa warbixin kooban ka bixisay waxa ay u taagantahay Guddiga.

โ€œWaxaan ku faraxsanahay inaan halkaan marti uga nahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah xubinteenna ugu cusub ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee Bariga Afrika, waxa uu ka shaqeeyaa isku dubaridka horumarinta iyo adeegsiga luqadda Sawaaxiliga si loo xoojiyo isdhexgalka gobolka iyo horumarka waara.

Ujeedka aan halkaan u joognay sadexdii maalin ee la soo dhaafay waa wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta horumarinta iyo adeegsiga luqadda Sawaaxiliga, oo ah mid Afrika laga leeyahay, gaartayna heer caalami. Sawaaxiliga waa mid ka mid ah luqadaha rasmiga ah ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, sida lagu ansixiyay shirkii 24-aad ee Madaxda Ururka ee ka dhacay Arusha.

Waxaan sidoo kale aan ka wada hadalnay doorka Guddiga ee horumarinta Sawaaxiliga dalalka xubnaha ka ah si aan uga wada shaqeyno sidii Soomaaliya uga mid noqon lahayd dalalka Sawaaxiliga ku hormaray. Luqaddan waxa ay muhiim u tahay ganacsiga, shaqo abuurka, iyo isku socodka xuduudaha, taasoo kaalin weyn ka qaadaneysa barwaaqada gobolka.

Sawaaxiliga waxa uu helay aqoonsi heer caalami ah, iyadoo UNESCO u aqoonsatay 7-da Luulyo Maalinta Caalamiga ah ee Sawaaxiliga. Waxaan rajeyneynaa inaan si dhow ula shaqeyno Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo adeegsiga luqaddan muhiimka ah, taasoo xoojinaysa isdhexgalka iyo horumarka waara ee gobolka.

Caasha Axmed Xirsi Madaxa xogheynta xafiiska Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha bariga Afrika, ee Wasaaradda arimaaha dibadda

โ€œWaxaan ku faraxsanahay inaan martigelinay madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee Urur Goboleedka Bariga Afrika.

Guddiga ayaa halkan u joogay in ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kala shiraan horumarinta luqadda sawaaxiliga ee mutaqbalka Soomaalidu u adeegsan karaan dhinaca isku socodka iyo ganacsiga iwm.

3 maalmood, ayaa is weydaarsannay fikrado qaabka luqadda Sawaaxiliga oo barashadeeda ay muhiim u tahay ganacsatada iyo guud ahaan is dhexgalka bulshada ku wada nool bariga africa.

Tallaabo wanaagsan ayaa horey u qaadnay, waxaan fileynaa in Soomaalidu ay fahmi doonaan muhiimadda ay noo leedahay ka faaโ€™iideysiga barnaamijyada ururka goboleedka bariga Africa, oo luqadda saxaaligu tahay tan koowaad ee ay ku wada hadlaan.

Ujeedka kulankaan sadexda maalin ee aan la laheyn guddiga anagoo mataleyno Dowladda Somalia, luqadda Sawaaxiliga ayaa ah luqadda rasmiga ah ee Bulshada Gobolka Bariga Afrika.

Soomaaliya, oo dhammaadkii sanadka 2023 si rasmi ah ugu biirtay ururkan, ayaa si firfircoon uga qayb qaadanaysa hawlaha lagu xoojinayo wada shaqeynta Ururka.

Muddadii saddexda maalmood ahayd ee uu socday shirkan aqoon-kororsiga ah, waxaa diiradda lagu saaray wacyigelinta iyo kor u qaadista barashada iyo ku hadalka luqadda Sawaaxiliga. Luqaddan ayaa runtii muhiim noo ah, gaar ahaan marka laga eego dhinacyada isdhexgalka ganacsiga, fududeynta adeegyadda bulshada, iyo isku socodka.

Luqadda Sawaaxiliga waxay faaโ€™iidooyin badan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, oo ah bulsho ku suntan shaqo iyo ganacsi, isla markaana kaalin weyn ku leh ganacsiyada ka jira guud ahaan gobolka Bariga Afrika.

Waxaan u mahadcelinayaa masโ€™uuliyiinta dowladda ee ku matalay shirkan, iyo sidoo kale Ururka Bariga Afrika, kuwaas oo halkaan ku soo bandhigay adkeysi iyo ka-goโ€™naansho dhab ah.โ€

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay shacabka degmada Al-kowsar

Al-Koowsar-(SONNA)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sheegay in ay mashaariic kala duwan ka hirgelinayaan degmada Al-Koowsar…

GudahaWararka
July 23, 2024

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo booqday magaalada Eldoret

Eldoret,(SONNA):- Danjiraha Soomaaliya u jooga Dalka Kenya ayaa booqasho taariikhi ah ku tegay magaalada Eldoret, gobolka Rift Valley ee dalka…

GudahaWararka
May 4, 2025

ย Israel oo loogu baaqay in ay joojiyaan weerarrada ka dhanka ah Suuriya

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa walaac ka muujiyay duqeymaha cirka ah ee Israel ay ka waddo gudaha Dalka Suuriya,…

Caalamka
December 13, 2024

Cabsan mayno Maanta Cudud baynnu leenahay (WARBIXIN)

Xiisada Geeska Afrika ayaa soo cusboonaatay dabayaaqadii bishii Agoosto markii labo diyaaradood oo kuwa Xamuulka ah oo Milateriga Masar ay…

GudahaMaqaallada
September 28, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023