Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo Martigelisay Madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee EAC
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo Martigelisay Madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee EAC
GudahaWararka

Soomaaliya oo Martigelisay Madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee EAC

By Sonna Whiteka
Last updated: December 5, 2024
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweysay madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee Urur Goboleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Shir saddex maalmood socday oo lagu qabtay Muqdisho, ayaa looga hadlay qorshayaasha horumarinta luqadda Sawaaxiliga, taas oo muhiimad weyn u leh isku socodka iyo ganacsiga bulshada Bariga Afrika.

Intii shirku socday, waxaa la isweydaarsaday fikrado ku saabsan xoojinta barashada luqaddan oo ah mid rasmi ah oo ay ku hadlaan dalal badan oo Bariga Afrika ka tirsan. Soomaaliya, oo dhammaadkii sanadka 2023 si rasmi ah ugu biirtay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ayaa muujisay dadaalkeeda ku aaddan horumarinta iskaashiga gobolka iyo adeegsiga luqadda Sawaaxiliga.

Xoghayaha fulinta – Guddiga Sawaaxiliga ee Ururka Bariga Afrika, Marwa Caroline Asimwe ayaa warbixin kooban ka bixisay waxa ay u taagantahay Guddiga.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan halkaan marti uga nahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah xubinteenna ugu cusub ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee Bariga Afrika, waxa uu ka shaqeeyaa isku dubaridka horumarinta iyo adeegsiga luqadda Sawaaxiliga si loo xoojiyo isdhexgalka gobolka iyo horumarka waara.

Ujeedka aan halkaan u joognay sadexdii maalin ee la soo dhaafay waa wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta horumarinta iyo adeegsiga luqadda Sawaaxiliga, oo ah mid Afrika laga leeyahay, gaartayna heer caalami. Sawaaxiliga waa mid ka mid ah luqadaha rasmiga ah ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, sida lagu ansixiyay shirkii 24-aad ee Madaxda Ururka ee ka dhacay Arusha.

Waxaan sidoo kale aan ka wada hadalnay doorka Guddiga ee horumarinta Sawaaxiliga dalalka xubnaha ka ah si aan uga wada shaqeyno sidii Soomaaliya uga mid noqon lahayd dalalka Sawaaxiliga ku hormaray. Luqaddan waxa ay muhiim u tahay ganacsiga, shaqo abuurka, iyo isku socodka xuduudaha, taasoo kaalin weyn ka qaadaneysa barwaaqada gobolka.

Sawaaxiliga waxa uu helay aqoonsi heer caalami ah, iyadoo UNESCO u aqoonsatay 7-da Luulyo Maalinta Caalamiga ah ee Sawaaxiliga. Waxaan rajeyneynaa inaan si dhow ula shaqeyno Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo adeegsiga luqaddan muhiimka ah, taasoo xoojinaysa isdhexgalka iyo horumarka waara ee gobolka.

Caasha Axmed Xirsi Madaxa xogheynta xafiiska Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha bariga Afrika, ee Wasaaradda arimaaha dibadda

“Waxaan ku faraxsanahay inaan martigelinay madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee Urur Goboleedka Bariga Afrika.

Guddiga ayaa halkan u joogay in ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kala shiraan horumarinta luqadda sawaaxiliga ee mutaqbalka Soomaalidu u adeegsan karaan dhinaca isku socodka iyo ganacsiga iwm.

3 maalmood, ayaa is weydaarsannay fikrado qaabka luqadda Sawaaxiliga oo barashadeeda ay muhiim u tahay ganacsatada iyo guud ahaan is dhexgalka bulshada ku wada nool bariga africa.

Tallaabo wanaagsan ayaa horey u qaadnay, waxaan fileynaa in Soomaalidu ay fahmi doonaan muhiimadda ay noo leedahay ka faa’iideysiga barnaamijyada ururka goboleedka bariga Africa, oo luqadda saxaaligu tahay tan koowaad ee ay ku wada hadlaan.

Ujeedka kulankaan sadexda maalin ee aan la laheyn guddiga anagoo mataleyno Dowladda Somalia, luqadda Sawaaxiliga ayaa ah luqadda rasmiga ah ee Bulshada Gobolka Bariga Afrika.

Soomaaliya, oo dhammaadkii sanadka 2023 si rasmi ah ugu biirtay ururkan, ayaa si firfircoon uga qayb qaadanaysa hawlaha lagu xoojinayo wada shaqeynta Ururka.

Muddadii saddexda maalmood ahayd ee uu socday shirkan aqoon-kororsiga ah, waxaa diiradda lagu saaray wacyigelinta iyo kor u qaadista barashada iyo ku hadalka luqadda Sawaaxiliga. Luqaddan ayaa runtii muhiim noo ah, gaar ahaan marka laga eego dhinacyada isdhexgalka ganacsiga, fududeynta adeegyadda bulshada, iyo isku socodka.

Luqadda Sawaaxiliga waxay faa’iidooyin badan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, oo ah bulsho ku suntan shaqo iyo ganacsi, isla markaana kaalin weyn ku leh ganacsiyada ka jira guud ahaan gobolka Bariga Afrika.

Waxaan u mahadcelinayaa mas’uuliyiinta dowladda ee ku matalay shirkan, iyo sidoo kale Ururka Bariga Afrika, kuwaas oo halkaan ku soo bandhigay adkeysi iyo ka-go’naansho dhab ah.”

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka…

GudahaWararkaWaxbarashada
March 24, 2023

Ciidanka Sirdoonka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay 44 khawaarij ah

Muqdisho(SONNA):-Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Deegaanka Cali Fuuto ee…

GudahaWararka
May 13, 2023

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sumcad dilka kawada baraha bulshada

WAR-SAXAAFADEED Muqdisho(SONNA):-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu gacanta ku hayaa Gal-dacwadeedyo la xiriira Cayda ama Aflagaadada, Sumcad-dilka, Isku-dirka…

GudahaWararka
August 31, 2025

R/Wasaare ku xigeenka XFS oo boogaadiyay natiijadii ka soo baxday shirkii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Salaax Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in heshiiskii Soomaaliya…

Gudaha
December 13, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023