New Delhi(SONNA):-Magaalada New Delhi ee Caasimadda dalka Hindiya waxaa ka furmay shirkii 7aad ee Golaha Wadamada ku bahoobay Isbahaysiga Solarka Aduunka (Seventh Session of the International Solar Alliance โ ISA Assembly).
Shirweynaha Guud ee 7aad sannadkan waxaa Dowladda Federaalla Soomaaliya uga qeybgalay wafdi uu hogaaminayo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Faarax oo uu Wehlinayo Siihayaha Safaaradda ahna Safiir ku-xigeenka Safaaradda Mudane Cabdifatah Cabdullahi Nuur iyo Agaasimaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda Eng Cabdfatah Abshir Ibraahim.
Dowladda Soomaaliya ayaa looga mahadceliyay dadaalkii iyo matalaadii ay muddo labo sanno ah ku hogaamisay kursiga Madaxweyne ku-xigeenka Qaaradda Afrika iyo doorkeedi ay ka qaadatay horumarinta barnaamijka Tamarta laga dhaliyo cadceedda, Inta uu socday Shirka waxaa bilad lagu gudoonsiiyey wasiir dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadja Biyaha madaama Dowladda Soomaaliya ku guuleeysatay, dhisidda xarunta tababarka STARC-SOMALIA.
Wasiir dowlaha ayaa inta uu shirka socday jeediyay Khudbad muhiim ah waxa uuna warbixin ka siiyay Hanaanka Tamarta ee Soomaaliya ay hadda haysato iyo sida ay uga faโiideysato, isagoo ka warbixiyay caqabadaha haysta , waxa uu ugu dambeyn ka waramay qorshaha isbadalka Qaran ee dib udhiska kaabayaasha korontada iyo soolareynta magaalooyinka iyo Tuulooyinka.
Ugu dambeyntii wasiir Maxamed ayaa uga mahadceliyey Isbahaysiga Wadama ku bohoobay (International Solar Alliance) doorkii ay siiyeen Soomaaliya si ay isoo bandhigto awoodeeda hogaamineed iyo sidoo kale xiriirka dhaw iyo wada shaqeynta joogtada ah.