Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika 
GudahaWararka

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika 

By SB
Last updated: August 21, 2025
2 Min Read
Share

Yokohama((SONNA):-Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika ee 9-aad (TICAD9) oo ka socda magaalada Yokohama, Japan.

Wasiirka waxaa wehlinaya Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha iyo Jabaan, Marwo Hodan Cismaan Cabdi, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Marwo Hodan Cismaan, iyo Lataliyaha Dhaqaalaha ee Ra’iisal Wasaaraha, Mudane Aweys Cabdullahi Cali.

Intii lagu guda jiray furitaanka shirka, Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyay isagoo si gaar ah u iftiimiyay:
• Guulaha Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, oo ay ku jirto dhimista saboolnimada 16% iyo ka bixitaanka dalka ee barnaamijka cafinta deynta.
• Kalsoonida maalgashadayaasha caalamka, iyadoo in ka badan 90% shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya ay muujiyeen kalsooni ku saabsan jihada dhaqaalaha iyo amniga ganacsiga.
• Himilada Soomaaliya ee mustaqbalka, oo ku saleysan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Hiigsiga 2060 (Centennial Vision 2060), si loo xaqiijiyo koboc dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado maalgashi oo waara.

Wasiir Beenebeene ayaa ku booriyay dalalka iyo shirkadaha caalamiga ah, gaar ahaan Japan, inay ka faa’iideystaan fursadaha ballaaran ee Soomaaliya ka jira, sida:
• Kalluumeysiga badda hodanka ah.
• Xoolaha nool oo gaaraya 40 milyan oo neef.
• Fursadaha tamarta qoraxda iyo maalgashiga ganacsiga gobolka.

“Soomaaliya waa dal fursado badan leh, waxaana diyaar u nahay iskaashi dhaqaale oo ku dhisan kalsooni, dan wadaag iyo horumar waara,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene).

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo ka qeybgalay kulanka dhiggiisa Baarlamaanka Adduunka 

Tashkent-Uzbekistan(SONNA):-Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) oo safar shaqo ku jooga wadanka Uzbekistan…

GudahaWararka
April 6, 2025

Ku-Xigeenka Cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaartay Muqdisho

Muqdisho (SONNA)- Ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG), Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa maanta…

Wararka
March 2, 2021

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗴𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗲𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗶𝗺 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆𝗮𝘆 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta guddoomiyey kulan ku saabsanaa Tiirka Dhaqaalaha, kaasi oo warbixinno…

GudahaWararka
January 4, 2023

Wasiirka Caafimaadka Oo Ka War Bixisay Xaaladda COVID-19 Ee Dalka

Muqdisho (SONNA); Arbaco, May 06, 2020 ----Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku…

Wararka
May 6, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023