Muqdisho (SONNA): Shirka horumarinta maaliyadda dalka ee u dhexeeyay wasiirada maaliyadda heer federal iyo heer dowlad-goboleed oo uu wejliyo gobolka Banaadir ayaa maanta looga dooday sidii loo mideyn lahaa lambarka aqoonsiga cashuur-bixiyaha oo muhiim u ah casriyeynta hannaanka dakhliga gudaha.
Dood dheer iyo aragti isdhaafi kadib, masuuliyiinta labada heer ee dowladda federaalka iyo dowlad-gooleedyadau waxay isla meel-dhigeen hirgalinta nidaamka mideysan ee lambarka aqoonsiga cashuur bixiyaha oo ay ku jiraan ganacsiyada, shaqsiyaadka iyo hey’adaha macaashdoonka ah.
Hirgalinta hishiiska nidaankan waxaa wadajir u saxiixay Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, wasiirada maaliyadda dowlad-goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo mamulka gobolka Banaadir.