Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Miisaaniyadda Labada Aqal ee BJF oo su’aalo weydiiyay Wasiiro ka tirsan XFS
    December 14, 2025
    Tababarkii ugu horeeyay ee Maaliyadda Cimilada oo lagu qabtay Muqdisho
    December 14, 2025
    Shir Dib-u-Eegis loogu sameynayo xaaladda amni ee gobolka oo ka socda Muqdisho
    December 14, 2025
    Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group
    December 14, 2025
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta qaatay Kaarka Codbixinta Doorashada
    December 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo dib u hanatay xuquuqdeedii baahinta Dayax gacmeedka Isgaarsiinta 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo dib u hanatay xuquuqdeedii baahinta Dayax gacmeedka Isgaarsiinta 
GudahaWararka

Soomaaliya oo dib u hanatay xuquuqdeedii baahinta Dayax gacmeedka Isgaarsiinta 

By Kanaava Mohamed
Last updated: December 15, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ku guulaysatay soocelinta xaqa ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho khayraadka meeraha dayax-gacmeedka baahinta isgaarsiinta. Guushan, oo tilmaamaysa dhammaadka geeddi-socod adag oo socday muddo sanad ah,si waafaqsan ujeeddooyinka qaraarka 559 ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) waxa ay horumar u tahay dhinaca isgaarsiinta dalka.

Magaalada Dubai oo uu ka soconayo Shirweynaha Isgaarsiinta Raadiyaha Adduunka waxaa toddobaadkan lagu qabtay munaasabad loogu dabbaaldagayo guusha ay 31 dal oo Afrikaan ah ka gaareen inay dib u hantaan kheyraadkooda dayax-gacmeedka ee ay hore u haysteen shirkado iyo dalal kale, iyadoo Soomaaliya ka mid tahay dalakii ku guuleysatay inay dib ula wareegaan kheyraadkooda dhinaca isgaarsiinta dayaxgacmeedka.

“Ballanqaadkii iyo dadaalkii aan kala go’a lahayn ee aan sameynay sanadkii la soo dhaafay ayaa ku soo dhammaaday guushan, taasoo muujineysa sida aan ugu heellan nahay horumarinta isku-xirka iyo kaabayaasha teknoolajiyada dalka,” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Mustafa Yasiin Sheekh.

Guushani ayaa horseedeysa in horumar dheeri ah laga gaaro dhinaca isgaarsiinta dayax-gacmeedka, waxayna suurtogelineysaa in dayax-gacmeedka looga faa’iideysto sidii isgaarsiinta loo gaarsiin lahaa dalka oo dhan. Waxay sidoo kale u gogol xaaraysaa xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee isgaarsiinta, gaar ahaan dalalka Afrika. Soocelinta kheyraadka dayax-gacmeedka waxay horumar weyn ku soo kordhin doontaa qeybaha isgaarsiinta, warbaahinta, iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

“Waxaan soo dhoweynayaa guusha dalkeenu ka gaaray soocelinta kheyraadka baahinta ee dayaxgacmeedka isgaarsiinta. Waxaana ku ammaanayaa hay’adda iyo kooxdii ka shaqeysayba guushan taariikhiga ah iyo inaan ka mid noqonno 31ka dal ee Afrika ee ka soo gudbay halbeegyadii la asteeyay,” ayuu yiri Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolijiyadd Soomaaliya, Mudane Jaamac Xasan Khaliif.

Guushan laga gaaray baahinta isgaarsiinta dayaxgacmeedka ayaa ka dhigan waa cusub oo u baryay adeegyada ku shaqeeya isgaarsiinta iyo teknolojiyada, taas oo saameyn toos ah ku yeelan doonta geedi-socodka horumarka qaranka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddiga Miisaaniyadda Labada Aqal ee BJF oo su’aalo weydiiyay Wasiiro ka tirsan XFS

Muqdisho,(SONNA):- Guddiyada Miisaaniyadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jira diyaarinta…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Qoyska oo la kulantay ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda Qoyska iyo hormarinta xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta xafiiska ku qaabishay George…

GudahaWararka
January 15, 2025

Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Farmaajo oo soo dhoweeyay go’aanadii ka soo baxay shirka golaha Wadatashiga Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go'aanadii ka soo baxay shirka golaha Wadatashiga Qaranka ee ahaa…

Wararka
May 29, 2023

Yuusuf Garaad oo Madaxweynaha Uga Mahad Celiyay Xilka loo Magacaabay

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan uga mahadcelinayaa kalsoonida uu ii muujiyay in uu ii magacaabo Ergeyga Gaarka ah ee…

Wararka
December 3, 2020

Guddiga Arimaha Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan muhiim ah la qaatay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Muqdisho.SONNA… Xoghayaha Gudigda Arimaha dibadda Iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sayid Cali  Isaaq…

Gudaha
November 8, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023