Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka XDS oo Howlgallo ka Dhan ah Khawaarijta ka Fuliyay Deegaanno ka Tirsan Shabeellaha Dhexe
    May 30, 2026
    Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed
    May 30, 2026
    Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka
    May 30, 2026
    Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka
    May 30, 2026
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐€๐๐ค๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐†๐€๐ƒ ๐ž๐ž ๐Š๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐ ๐š ๐„๐›๐จ๐ฅ๐š
    May 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    โ€œKoonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyaddaโ€œ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya oo 54 Sano ka dib xubin ka noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Soomaaliya oo 54 Sano ka dib xubin ka noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Maqaallada

Soomaaliya oo 54 Sano ka dib xubin ka noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

By Khadar Mahdi
Last updated: January 2, 2025
4 Min Read
Share

(SONNA โ€“ New York) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xubin aan joogto ahayn kaga mid noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib muddo 54 sano ah.

Xubinnimadan ayaa si rasmi ah u bilaabmatay maanta 2-da Janaayo, waxaana la filaya in Soomaaliya ay ka qayb qaadato arrimaha amniga iyo nabadda caalamiga ah mudada ay xubin ka tahay Golaha, taasoo socon doonto ilaa 2026.

Tallaabadan ayaa waji cusub u yeelaysa Soomaaliya, oo muddo dheer la daalaa-dhacaysay khilaafyo, dagaallo sokeeye, abaaro, iyo colaado soo noqnoqda, waana guul ka dhalatay adkaysiga iyo midnimada dadka Soomaaliyeed, sida ay sheegeen madaxda dalka.

Ku biirista Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale muujinaysa go’aanka dowladda in si wax ku ool ah ay Soomaaliya ula falgasho bulshada caalamka.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka, tuulooyinka, iyo deegaanada miyiga ayaa dhankooda si weyn uga qayb qaatay dabaaldegga guushan taariikhiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in maanta ay tahay “maalin taariikhi ah” oo loogu dabaaldegayo guusha waddanka, isagoo xusay in 54 sano ka dib, Soomaaliya ay mar kale ka mid noqotay xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay guushaani inay tahay mid muujinaysa “adkeysiga, midnimada, iyo go’aan qaadashada” dadka Soomaaliyeed, isagoo intaas ku daray in Soomaaliya ay sii wadi doonto ka shaqeynta horumarka.

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mahadnaq u diray dadka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay guushan. “Waxaan u dirayaa mahadnaq dhammaan Soomaalida ka qeyb qaatay safarkan dheer,” ayuu yiri. “Laga soo bilaabo bulshada qurbo-joogta ah illaa kuwa ku sugan gudaha dalka, adkeysigaaga, go’aan qaadashadaada, iyo taageeradaada ayaa noo suurtagalisay guushan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay bixisay dhammaan deymihii Qaramada Midoobay ay ku lahaayeen dalka muddo 34 sano ah. “Bixinta deyntan oo muddo dheer socotay waxay muujineysaa goโ€™aankeena ku aaddan in aan buuxinno waajibaadka caalamiga ah iyo diyaar garowgeena in aan u hoggaansano mabaadiโ€™da maamul wanaagga.โ€

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka xusuusiyey waajibaadka ka imaanaya tallaabadan, isagoo yiri: โ€œXubinimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka waxaa daba socda sharaf iyo sidoo kale mas’uuliyad adag,โ€

โ€œSoomaaliya waxay si aan kala go’ lahayn uga shaqeyn doontaa horumarinta nabadda, dhiirrigelinta caddaaladda, iyo xoojinta maamul wanaagga. Waxaan hubin doonaa in goโ€™aanada saameynta ku leh dalka iyo gobolka ay ka tarjumaan codadka shacabka Soomaaliyeed.โ€ ayuu ku daray Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay u arkaan fursadaan mid dalka u horseedaysa horumar.

โ€œMaanta ma ahan oo kaliya dabaaldeg aan uga faraxsannahay halkii aan ka soo gudubnay,โ€ ayuu yiri. โ€œSidoo kale waa xusuusin waddada aan wali u baahanahay inaan qaadno. Waa inaan sii dulqaadanaa, oo aan xoojinaa midnimada si aan uga faa’ideysanno doorka cusub ee aan caalamka ka qaadnay. Iyadoo ay nala joogaan saaxiibada caalamiga ah, waxaan soo bandhigi doonaa qorshe cad oo la jaanqaadaya go’aankeena ku aaddan caddaalad, nabad, iyo horumar.โ€

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u tilmaamay ruuxa adkeysiga ee dadka Soomaaliyeed: โ€œAan sii wadno safarkan iyadoo ay noo hagayaan rajada iyo go’aan qaadashada, iyadoo aan ku saleysaneyno wadajir, waddaniyad, iyo daacadnimo. Guulaha aan gaarno waxay ku saleysan yihiin midnimadeena. Wadajir ayaan jiilasha soo socda ugu dhisi karnaa mustaqbal ifaya. Ilaahay ha ina caawiyo inaan dunida ka muujino in Soomaaliya ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada nabadda iyo amniga caalamiga ah.โ€

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka XDS oo Howlgallo ka Dhan ah Khawaarijta ka Fuliyay Deegaanno ka Tirsan Shabeellaha Dhexe

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay deegaannada…

May 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Halgankii waxbaridda ee madaxweyne xasan weli ma dhamaan(warbixin)

Muqdisho(SONNA):-Burburkii dalka 30 sano hore dadkaย  Soomaaliyeed waxa ay wajahayeen marxalada kala duwan oo ay ugu horeysay colaad, gaajo iyo…

MaqaalladaWaxbarashada
March 29, 2023

Xuska 27-ka June ee Maalinta Xorriyadda Jabuuti

Dadka reer Jabuuti waxa ay ka mid yihiin shucuubta Soomaalida ee nasiibka u helay in ay ku noolaadaan geeska Afrika,gaar…

GudahaMaqaallada
June 27, 2024

Fariimo muhiim ah ee Corona Virus, COVID 19 (Warbixin)

Caabuqa koroona fayrays ee sababa cudurka COVD-19 wuxuu gaarii doonaa wadan kasta dhakhso, ama waqti aan dheeraynba. Waxaan shaki ka…

MaqaalladaWararkaWargayska
March 28, 2020

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Muqdisho (SONNA):- Waxaa hubaal ah in su'aasha ah "Wax dhaama dawladnimada ma jiraa?" jawaabteedu tahay mid caddaan ah: Ma jirto…

MaqaalladaWararka
December 9, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023