Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Soomaaliya oo 54 Sano ka dib xubin ka noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Soomaaliya oo 54 Sano ka dib xubin ka noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Maqaallada

Soomaaliya oo 54 Sano ka dib xubin ka noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

By Khadar Mahdi
Last updated: January 2, 2025
4 Min Read
Share

(SONNA – New York) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xubin aan joogto ahayn kaga mid noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib muddo 54 sano ah.

Xubinnimadan ayaa si rasmi ah u bilaabmatay maanta 2-da Janaayo, waxaana la filaya in Soomaaliya ay ka qayb qaadato arrimaha amniga iyo nabadda caalamiga ah mudada ay xubin ka tahay Golaha, taasoo socon doonto ilaa 2026.

Tallaabadan ayaa waji cusub u yeelaysa Soomaaliya, oo muddo dheer la daalaa-dhacaysay khilaafyo, dagaallo sokeeye, abaaro, iyo colaado soo noqnoqda, waana guul ka dhalatay adkaysiga iyo midnimada dadka Soomaaliyeed, sida ay sheegeen madaxda dalka.

Ku biirista Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale muujinaysa go’aanka dowladda in si wax ku ool ah ay Soomaaliya ula falgasho bulshada caalamka.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka, tuulooyinka, iyo deegaanada miyiga ayaa dhankooda si weyn uga qayb qaatay dabaaldegga guushan taariikhiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in maanta ay tahay “maalin taariikhi ah” oo loogu dabaaldegayo guusha waddanka, isagoo xusay in 54 sano ka dib, Soomaaliya ay mar kale ka mid noqotay xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay guushaani inay tahay mid muujinaysa “adkeysiga, midnimada, iyo go’aan qaadashada” dadka Soomaaliyeed, isagoo intaas ku daray in Soomaaliya ay sii wadi doonto ka shaqeynta horumarka.

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mahadnaq u diray dadka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay guushan. “Waxaan u dirayaa mahadnaq dhammaan Soomaalida ka qeyb qaatay safarkan dheer,” ayuu yiri. “Laga soo bilaabo bulshada qurbo-joogta ah illaa kuwa ku sugan gudaha dalka, adkeysigaaga, go’aan qaadashadaada, iyo taageeradaada ayaa noo suurtagalisay guushan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay bixisay dhammaan deymihii Qaramada Midoobay ay ku lahaayeen dalka muddo 34 sano ah. “Bixinta deyntan oo muddo dheer socotay waxay muujineysaa go’aankeena ku aaddan in aan buuxinno waajibaadka caalamiga ah iyo diyaar garowgeena in aan u hoggaansano mabaadi’da maamul wanaagga.”

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka xusuusiyey waajibaadka ka imaanaya tallaabadan, isagoo yiri: “Xubinimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka waxaa daba socda sharaf iyo sidoo kale mas’uuliyad adag,”

“Soomaaliya waxay si aan kala go’ lahayn uga shaqeyn doontaa horumarinta nabadda, dhiirrigelinta caddaaladda, iyo xoojinta maamul wanaagga. Waxaan hubin doonaa in go’aanada saameynta ku leh dalka iyo gobolka ay ka tarjumaan codadka shacabka Soomaaliyeed.” ayuu ku daray Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay u arkaan fursadaan mid dalka u horseedaysa horumar.

“Maanta ma ahan oo kaliya dabaaldeg aan uga faraxsannahay halkii aan ka soo gudubnay,” ayuu yiri. “Sidoo kale waa xusuusin waddada aan wali u baahanahay inaan qaadno. Waa inaan sii dulqaadanaa, oo aan xoojinaa midnimada si aan uga faa’ideysanno doorka cusub ee aan caalamka ka qaadnay. Iyadoo ay nala joogaan saaxiibada caalamiga ah, waxaan soo bandhigi doonaa qorshe cad oo la jaanqaadaya go’aankeena ku aaddan caddaalad, nabad, iyo horumar.”

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u tilmaamay ruuxa adkeysiga ee dadka Soomaaliyeed: “Aan sii wadno safarkan iyadoo ay noo hagayaan rajada iyo go’aan qaadashada, iyadoo aan ku saleysaneyno wadajir, waddaniyad, iyo daacadnimo. Guulaha aan gaarno waxay ku saleysan yihiin midnimadeena. Wadajir ayaan jiilasha soo socda ugu dhisi karnaa mustaqbal ifaya. Ilaahay ha ina caawiyo inaan dunida ka muujino in Soomaaliya ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada nabadda iyo amniga caalamiga ah.”

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Galgaduud(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Argagaxisada oo laga soo ooday ilihii dhaqaale ee ugu dambeeyay (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaaliya ayaa muddo ku dhow 7- bilood dagaal kula jirta Kooxda Maleeshiyaad Argagixisada ah ee Khawaarijta, waxaana laga abaaray…

GudahaMaqaallada
February 19, 2023

Sheekada Mu’adinkii Khawaarijtu dishay ee hantidiisa ay gubeen.(Warbixin)

Muqdisho(SONNA:-Kooxda khawaarijta ee gabalkoodu dhacay hadana maraya xaalad quus ah ayaa waxa ay mudo dheer shacabka Soomaaliyeed ku hayeen dhibaatooyin…

MaqaalladaWararka
February 22, 2023

Qaar ka mid Goobaha lagu barto Qur’aanka Kariimka oo dayac fara badan uu ka muuqdo (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Aaska-aaska nolosha carruurnimada Soomaalida waa waxa ay waligeedba  ahayd mid barashada Qur’aanka Kariimka muhiimad gaar ah lagu siiyo, waana…

Maqaallada
March 12, 2023

Waxaa dar-dar ku socda howlgallo Khawaarijta looga laayay horjoogayaal dhibaatooyin ku hayay shacabka (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Waxaa sii xoogeysanaya howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta Al-shabaab ee ka socda gobollada Dalka, kuwaas oo lagu laayay…

Maqaallada
July 31, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023