Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimca ah ย khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Singapore, Dr. Vivian Balakrishnan.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Singabore da iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay dardargalinta howlaha la xiriira xagga dibolomaasiyadda iyo guud ahaan xiriirka caalamka.
Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Singapore ,waxa ay si gaar ah uga wadahadleen ย dhowrista iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.