Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Shire oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Mudane Muuse Maxamed Cusmaan ayaa maanta gelinkii hore la kulmay Wakiilka Hay’ada Qaramada Midoobey U qaabilsan Horumarinta Warshadaha (UNIDO), Mudane Ygor Scarcia.
Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xariira horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta maalgashiga, taageero farsamo oo la siiyo maalgashadayaasha gudaha, abuuriddaย jawi wanaagsan oo ay helaan maalgashatada ajaanibta ah iyo xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dhinac.
Agaasimaha Guud ayaa ugu danbeyntii UNIDO uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.