Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Algeria
    May 11, 2026
    Madaxweynaha JFS oo gaaray Uganda
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya iyo Tanzania oo heshiisyo muhiim ah ku kala saxiixday Muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya iyo Tanzania oo heshiisyo muhiim ah ku kala saxiixday Muqdisho
GudahaWararka

Soomaaliya iyo Tanzania oo heshiisyo muhiim ah ku kala saxiixday Muqdisho

By Khadar Mahdi
Last updated: December 19, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho, (SONNA): – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ayaa ku heshiiyay iskaashi ballaaran oo ku aaddan arrimo muhiim ah, kaddib markii ay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen shan heshiis is afgarad (MOUs) oo muhiim ah.

Munaasabadda saxiixa heshiisyadan oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa noqotay mid ku muujinaysa sare u kaca xiriirka labada dal iyo wadajirka horumarka ay ka wada shaqeynayaan.

Heshiisyada Muhiimka ah ee la Saxiixay

1. Iskaashiga Guud ee Arrimaha Dibadda
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tansaaniya, Mudane Mahmoud Thabit Kombo, ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya qaab-dhismeed lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed. Heshiiskan wuxuu xoogga saarayaa iskaashiga xasilloonida gobolka, is-dhaafsiga aqoonta, iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda iyo horumarka caalamiga ah.

2. Iskaashiga Arrimaha Caafimaadka
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam Abubakar, iyo Wasiirka Ku-xigeenka Caafimaadka ee Tansaaniya, Dr. Godwin Oloyce Mollel, ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo nidaamyada caafimaadka ee labada dal. Heshiiskan wuxuu diiradda saarayaa la dagaallanka cudurrada faafa, is-dhaafsiga aqoonta caafimaadka guud, iyo xoojinta adeegyada caafimaad ee loo fidiyo bulshooyinka nugul.

3. Horumarinta Dalxiiska
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, iyo Wasiirka Dalxiiska iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Tansaaniya, Dr. Pindi Hazara Chana, ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo dalxiiska. Heshiisku wuxuu xooga saaraya is-dhaafsiga dhaqanka, ololayaasha suuq-geynta dalxiiska wadajirka ah, iyo dhiirrigelinta fursadaha maalgashiga si loogu soo bandhigo hiddaha iyo dhaqanka gaarka ah ee labada dal.

4. Iskaashiga Difaaca iyo Amniga
Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo dhiggiisa Tansaaniya ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga difaaca. Heshiiskan wuxuu xoogga saaraya horumarinta awoodaha difaaca, tababarrada wadajirka ah, iyo iskaashiga amniga si loo gaaro xasillooni iyo ammaan goboleed.

5. Iskaashiga Waxbarashada
Heshiis kale oo muhiim ah ayaa diiradda saaray iskaashiga dhanka waxbarashada, kaas oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Tansaaniya. Heshiiskan wuxuu xooga saaraya is-dhaafsiga aqoonta, bixinta deeqaha waxbarashada, iyo abuurista barnaamijyo wadajir ah oo lagu xoojinayo nidaamyada waxbarasho ee labada dal. Waxa kale oo uu dhiirrigelinayaa awood-siinta dhalinyarada iyada oo loo marayo horumarinta xirfadaha iyo is-dhaafsiga aqoonta si loo gaaro horumar waara.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Nairobi,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam…

May 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Afcad ee gobalka Hiiraan

Muqdisho:-SONNA-In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda…

GudahaWararka
February 17, 2023

Hay’adda IOM oo xarun Hooyada iyo dhallaanka ka hirgelisay Degmada Doolow “SAWIRRO”

Doolow (SONNA)- Hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay ka furtay xarun lagu xanaaneeyo Hooyada iyo dhallaanka oo…

Wararka
October 26, 2020

Wasiir Biixi oo la kulmay agaasimaha hay’adda horumarinta caalamiga ah ee UK

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Faysal Maxamed…

GudahaWararka
March 11, 2025

Ciidamada Kumaandooska Gor Gor oo howlgal qorsheysan fuliyay

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorsheysan ka…

GudahaWararka
January 4, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023