Muqdisho(SONNA):-Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa maanta 2- Doonyood waxa ay kala wareegtay Hey’adda Zamzam Foundation iyo Bankiga IBS Bankiga.
Guddoomiye ku xigeenka Hey’adda SoDMA Mudane Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta howlgalada gurmadka deg-degga ah ee NEOC waxa uu hey’adda Zamzam kala wareegay Doon nuuca dheereysa ah taas oo uga qaybqadanayan gurmadka socda ee lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed ee iskugu darsoomeen daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada.
Dhinaca kale Agaasimaha waaxda Cafimaadka Hey’adda SoDMA Dr Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa isna waxa uu Doon nuuca la buufiya ah kala wareegay Bankiga IBS.
Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa u mahadcelisay Hey’adda Zamzam Foundation iyo Bankiga IBS, waxaana hey’adda ka go’an in doonyahaan si dhaqsi leh ay u gaarsiiso magaaloyinka xaaladaha adag ay ka jiraan.