Muqdisho(SONNA):-Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA, oo kaa shaneysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shalay deeq raashin ah gaarsiisay shacab dhawaan iyagoo barakac ah gaaray deegaanka Yurkud ee gobolka Gedo.
Deeqdaan oo ka kooban nuucyada kala duwan ee raashinka, ayaa waxaa loo qeybiyey 200 oo qoys ah oo kamid ah dadka ka soo barakacay dagaalkii degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Hoggaanka sare ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, ayaa mar walba u taagan caawinta iyo garab ustaagida dadka dantayar iyo kuwa ay sameenta ka soo garaan colaadaha.