Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: SODMA oo digniin ka soo saartay khatarta Roobabka iyo Duufaanta El-nino
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > SODMA oo digniin ka soo saartay khatarta Roobabka iyo Duufaanta El-nino
GudahaWararka

SODMA oo digniin ka soo saartay khatarta Roobabka iyo Duufaanta El-nino

By SB
Last updated: September 30, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Roobab mahiigaan ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ka da’aan dalkeenna si gaar ah goobaha laga cabsi qabo waxaa ka mid ah Wabiyada, Dhulka buuraleyda ah, kuwaas oo labadoodaba ka dhalan karaan fatahaado iyo daadad.

Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaran ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay fariin digniin ah oo ku aaddan in laga digtoonaado waxyeelada ka dhalan kara xaaladda El-Nino.
Sidoo kale, si ay u yaraato khataraha ka dhalan kara, waxay hay’addu bixisay digniino iyo talo-bixino xaaladda El-Nino isbuuclaha ah 28-september ilaa 4-ta October ee sanadkan 2023.
Toddobada cisho ee soo socota oo ah usbuuca ugu dambeeyo bisha September iyo isbuuca ugu horeeya ee bisha October ee sanadkan waxaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan 18-ka gobol ee dalka hay’addu maareeynta iyo masiibooyinka qaranka ku wargelisay in ay ka feejignaadaan khatar ay suurta-gal tahay in ay ka timaado roob mahiigaan ah oo isbuucaan la filayo inuu da’o.

Roobabka la saadaaliyay gobollada Bari,Sool, Sanaa, waqooyiga galbeed, Nugaal, Hiiraan,Baay,Bakool, Shabeellaha hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa la saadaaliyay in ay geysan karaan Khatar cabirkeedu sareeyo.

Bulshada ku dhaqan gobolladaas ayaa loogu baaqay in ay muuqaan taxadar gaar ah ka muujiyaan khatarta fatahaadda iyo daadadka roobka ka imaanaya.

Dhammaan gobollada kale ee dalka, roobabka la saadaaliyay waxay geysan karaan khatar cabirkeedu dhex-dhexaad yahay, balse hay’addu waxay ku wargelisay dadka ku nool gobolladaas in ay haboon tahay in ay ka feejignaadaan Khatartaas El-Nino.

Waxaa kale oo Bulshada ku dhaqan hareeraha jiinka wabiga looga digay in ay aad uga feejignaadaan saameynta daadadka roobka ku yeelan karo naftooda iyo maalkooda gaar ahaan dadka ku nool gobollada Bari,Sool, Sanaag, Nugaal, Waqooyi Galbeed, Hiiraan iyo Shabeellaha hoose, waxaa sidoo kale, looga digay in ay iska ilaaliyaan toggaga biyuhu maraan, taas oo Khatar gelin karta naftooda.

Ugu dambeyn, Hay’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka ayaa guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed uga digtay in aysan deegaameysan ama guryo ka dhisan meelaha biyo-mareenka ah si ay u badbaadaan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Muqdsho-SONNA-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa gurmad biyo-dhaamin ah gaarsiisay deegaannada Daaniyaa…

GudahaWararka
March 21, 2026

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar-weyne oo manta xilka la wareegay+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa maanta xilalka u…

GudahaWararka
November 11, 2021

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta…

GudahaWararka
March 31, 2026

Xal laga gaaray Colaado muddo ka taagnaa gobolka Sool

Muqdisho(SONNA) Kadib kulamo ay yeesheen hay'adah ammaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanno ay ka dheceen colaado…

Wararka
January 17, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023