Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda oo kulan muhiim ah yeeshay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda oo kulan muhiim ah yeeshay
Wararka

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda oo kulan muhiim ah yeeshay

By Sonna Whiteka
Last updated: August 23, 2024
4 Min Read
Share

Kampala (SONNA) – Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cabdilatiif Maxamuud Cali ayaa maanta kulan kula qaatay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Gen. Jeje Odongo Abubakar

Ugu horeyntii Siihayaha Safaaradda ayaa Wasiirka uga mahad celiyay kaalinta dowladda Uganda ka qaadanayso dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidoo kale sida dowladda Uganda albaabadeeda ugu furtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Uganda ku nool.

Mudane Cabdilatiif, ayaa Wasiirka u sheegay in ay jiraan caqabado lasoo gudboonaaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ku nool taasoo ay ka mid tahay in Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Uganda ay dhowr jeer xirxireen muwaadiniin Soomaaliyeed oo Kampala ku nool iyagoo ku sababeeyay in aanay sharci deganaasho ku joogin dalka, waxana la ogyahay in muddo labo sano ku dhaw ay xiran tahay xaruntii laga diiwaan gelin jiray dadka qaxootiga soo galootiga ah, iyadoo kaarka qaxootiga qofka haystaa uu la mid yahay isagoo sharci deganaasho leh oo kale, Soomaalida badankeeda ayaa ku jooga dalka Uganda aqoonsiga qaxootiga, siihayaha ayaa codsaday in arrintaas wax laga qabto.

Arrinka labaad ee uu Siihayaha Safaaradda ka hadlay ayaa ahaa in hayโ€™adaha waxbarashada dalka Uganda looga baahan yahay inay dhaqan geliyaan Barotokoolada wadamada Barriga Afrika (EAC) ee khuseeya arrimaha waxbarashada si ardayda Soomaaliyeed u helaan xuquuq la mid ah kuwa ardayda wadamada xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika marka ay timaado kharashka waxbarasho ee ay bixiyaan ardayda ajaanibtu, isagoo siihayuhu ka codsaday Wasiirka in hirgelinta arrinkaas uu gacan ka geysto.

Sidoo kale Siihayaha ayaa wasiirka ka codsaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee imanaya dalkan Uganda ay dalkugal-ka (Visas) ka qaataan airport-ka iyo xuduudaha dalka markay soo gaaraan oo laga dhaafo dalabka Visa-ha si loo fududeeyo isusocodka dadka labada dal, iminka waxa Visa-ha habkaas ku qaata dadka wata Baasaboorada Diblomaasiga iyo kuwa shaqada.

Ugu dambeyntii Siihaye Cabdilatiif Maxamuud ayaa wasiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin fulinta heshiisyadii labada Wasaaradood ay horay u gaareen ee xagga tababarada diblumaasiyiinta iyo karti dhiska shaqaalaha, taasoo qeyb ka ahayd isfahmkii (MoU) horay ay u kala saxiixdeen labada dal, isagoo siihayuhu la socodsiiyay wasiirka in shirka guddiyada wadajirka ah ee labada dal (Joint Permanent Commission) Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS ay qabanqaabadiisa waddo laguna qaban doono magaalada Muqdisho bisha Oktoobar ee nagu soo aadan 2024.

Dhankiisa Wasiir Gen. Jeje Odongo Abubakar, ayaa sheegay in labada arrin ee kala ah Visa laโ€™aanta iyo arrinka ah in ardayda soomaaliyeed loola tacaamulo sida kuwa ka yimaada wadamada โ€œEast Africa Communityโ€ ay tahay laba arrimood oo ay xaq u leeyihiin muwaadiniinta soomaaliyeed, maadaama Soomaaliya ay xubin buuxda ka tahay dalalka Ururka EAC oo dadkoodu Uganda visa laโ€™aan soo gala.

Arrinka qaxootiga ayuu sheegay in uu dabagal ku sameynayo kalana hadlayo hayโ€™adaha ay khusayso sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Hayโ€™adda Socdaalka, Wasaaradda Arrimaha Qaxootiga iyo Xafiisk Raysul-Wasaaraha Uganda, si dhaqso ahna ula xariirayo hayโ€™adahaas waxii jawaab ahna dhawaan safaaradda lasoo gaarsiin doono.

Wasiirka ayaa sidoo kale balan qaaday in la fulin doono isfahamyadii horey ay u kala saxiixdeen labada Wasaaradood oo ay ku jirto iswaydaarsiga khibradaha iyo tababarada diblomaasiyadeed ee shaqaalaha arrimaha dibadda labada dal, dhowaanna ay soo saari doonaan qorshaha fulinta barnaamijkaan.

Kulanka ayaa ugu dambeyntii kusoo idlaaday jawi aad u qurux badan iyadoo lagu balamay in waxii laga wada hadlay oo dhan si deg deg ah wax looga qaban doono.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa degmada Baardheere falalka…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Norway oo Soomaaliya ka taageereysa horumarinta Kalluumeysiga

Copenhagen-(SONNA)-Wasiirka Wasaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah Mudane, Axmed Xasan Aadan oo intii u dhaxeysay 22 ilaa 24 bishan magaalada…

GudahaWararka
March 28, 2023

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo xariga ka jaray laanta cusub ee Bangiga dhexe ee laga hirgaliyey Magaalada Jowhar

Jowhar, (SONNA);- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xariga ka jaray Laanta cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya…

GudahaWararka
October 19, 2023

Xulka Qaranka Soomaaliya oo laga soo sagootiyay Kampala+SAWIRO

Kampala-(SONNA)-Munaasabad isugu jirta Casho sharaf iyo sagootin isugu jirta ayaa xulka Qaranka Soomaaliya oo ka qeyb galayay Koobka Bariga iyo…

CiyaarahaWararka
December 20, 2019

Taariikh nololeedka Allaha u naxariistee Marxuum Qoraa sare Ciise Faarax

Muqdisho(SONNA):- Ilaaheey ha u naxariistee Marxuum Ciise Faarax waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadkii 1948-kii, waxa uuna Marxuum Ciise…

GudahaMaqaallada
May 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023