Muqdisho.(SONNA)…SIi hayaha Wasiirka Dastuurka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in haddii ay is-waafaqaan Wadaxaajoodyada siyaasadeed ee socda iyo sharciyadda baarlamaanka la gaari karo Doorasho xaqiiq ah oo dhaca waqtigii loogu talagalay
Sii hayaha Wasiirka, Ahna Guddoomiyahaย Guddiga farsamo ee ka talabixinta doorashooyinka oo manta ka qeybgalay kulanka todobaadka Jimcaha ee Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in ay socdaan Wadatashi,loona baahan yahay in la isla meel dhigo Wax la wada ogol yahay oo aasaas u noqda geedi socodka dimoqraadiyadda
Mudane Saalax Axmed Jaamac,waxa uu xusay In Guddiga farsamo ee Doorashooyinka ay sameeyeen dadaal iyo cilmi baaris ku wajahan soo ururinta tallooyin wax ku ool ah oo qeyb ka noqon kara suurtagalnimada hannaan ย Doorasho lagu qanacsan yahay.
Sii hayaha Wasiirka,waxa uu sheegay in wadatashiga u socda dhinacyada siyaasadda uu marayo meel wanaagsan ,isagoo rajo ka muujiyay ย in kulamada kale ee la filayo ay ka soo bixi doonaan natiijo wacan oo kor u qaada niyada iyo himilada umadda.
Mudane Saalax Axmed Jaamac,waxa uu soo jeediyay in ย dadka soomaaliyeed ay gacan ka geystaan taabagalka shirka wadatashiga,iyagoo maanka ku haya waxa wanaagsan ee ku soo kordhay dalka iyo duruufihii kala duwanaa ee la soo maray.