Muqdisho (SONNA):- Tan iyo markii shalay Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Baanka Adduunka ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah waxaa isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo gaaray guul taariiqi ah.
Kristalina Georgieva oo ah madaxa IMF ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeysay guushan, waxay tilmaamatay in IMF ay sii wadeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay.
Xoghayaha guud ee IGAD Workneh Gebeyehu ayaa ammaanay dadaalka dheeriga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo arimaha bulshada.
Workneh Gebeyehu waxa kaloo uu bogaadiyay doorka hogaamineed ee gaarka ah ee horseeday isbadalo muhiim ah.
Midowga Yurub ayaa sheegay in ay ka go’an tahay taageerida Soomaaliya guushaan weyn ka dib, iyaga oo sare u qaadaya isbadalka dhaqaalaha.
Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa iyada sheegtay in horumarada Soomaaliya dhanka dowladnimada, dhisida heyadaha iyo horumarka dhaqaalaha ay yihiin kuwo bogaadin mudan.