Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ‘Si xun wax u sheeg Sixir waa ka daran’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > ‘Si xun wax u sheeg Sixir waa ka daran’ (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

‘Si xun wax u sheeg Sixir waa ka daran’ (WARBIXIN)

By SB
Last updated: June 30, 2024
9 Min Read
Share

‘Si xun wax u sheeg Sixir waa ka daran’ (WARBIXIN)

“iyadoo lagu jiro maalmaha Xorriyadda in Hargeysa looga heeso Qowmiyad ka mid ah Itoobiya waa ayaan darro”. Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Dadka Soomaaliyeed oo u dabaal-degaya maalmaha Xorriyadda in Hargeysa looga heeso Qowmiyad ka mid ah Itoobiya,wuxuuna arrimahaasi ku tilmaamay xaalad aan la fileyn iyo ayaan darro”.

Wasiirka ayaa muujiyay in uu aad uga xun yahay in dhallinyarada Somaliyeed lagu marin habaabiyay hees ka hadleysa damaca qowmiyad kamid ah kuwa dega Dalka Itoobiya. “Dadla Soomaaliyeed hees la sameeyay iyo kalimaad lagu raaligelinayo dal kale oo damac leh, laguma sandulleyn karo dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Wasiir Fiqi, waxaa kale ee uu xusay waxa ka dhalan kara arrimahaasi, isagoo dhinaca kale Dadka Soomaaliland ku ammaanay diidmada ay ka muujiyeen damaca Itoobiya iyo falalka ay caadeysteen kuwa haya hoggaanka halkaasi.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid kadib markii ay koox ka koobneyd 10 Ruux a meel fagaare ah ku heeseen Erayo ay ka ahaayeen ‘Xamar Amxaraa iga roon’, halka ay iyaguna ka falceliyeen Koox ka tirsan kuwa Dalka ‘ Xamar Allaa Boqree, uma baahna Ruux kale’, waase ayaan darro in iyadoo lagu jiro Maalmaha Xorriyadda in loo baaqo Gumeysi cusub, balse dadka Soomaaliyeed oo isku duuban ayaa ka soo horjeestay damaca kooxo wadato.
“Dad Soomaaliyeed oo meel intii ay ku tashadeen, kuna showray dadka waqooyi deggan ama qeyb ka mid ah aan layno ama aan la dirirno ma jiro. Dowlad baan lahayn, dhibta iyo burburka dadka dhan buu ka soo wada gaaray, in uu idinka idiin badnaana waa qirsannahay, ma diidanin, waxaanba rabnaa in aad ka daawoowdaan”,sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka, wuxuuna ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay adkeystaan midnimada iyo madaxbannaanidooda, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay, waajibna ay ku tahay ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah Madaxbannaanida Soomaaliya, waxa uu sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya Qaranimada iyo midnimada Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xuso halgankii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ku bilaabeen xorriyadda dalka, waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen.

“Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay”, sidaasi ayuu ku caddeeyay Madaxweyne Dr: Xasan Shiikhg Maxamuud, waxaana uu bayaaniyay Heshiis wax wada qabsi iyo Dhul-boobka inay meelna isla wada galeynin.

Wakiilka Somalia ee UN-ka ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya in ay si sharci darro ah uga soo gudbeen xuduudka ay wadaagaan labada dal, isla markaana waxaa is hortaag ku sameeyeen ciidamada ammaanka ee deegaanka. “Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay inay ixtiraamto mabaadi’da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo deris wanaagga,” ayuu Abuukar Cismaan u sheegay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka. “Waxaana ka filaynaa Itoobiya inay sidaasi oo kale sameyso iyadoo dib u eegis ku sameyn doonto qoraalkeeda ku aaddan wax-is-daba-marin iyadoon dib u dhac kale ku imaan.”. Mr Cismaan ayaa sheegay in sababta oo ah “ficillada guracan” ee Itoobiya ay ka waddo gobolka ballaaran, Muqdisho ay ku qasbanaatay in ay dib u dhigto bisha Luulyo ilaa Sebtembar ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya.
Intaa ka dib, codsigii Soomaaliya, Jaamacadda Carabtu waxay qabatay fadhi deg-deg ah oo Wasiirro ah, waxayna ku caddeeyeen in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, si aan gabasho lahaynna u diiday heshiiskii January. Jaamacadda Carabtu waxay Aljeeriya, oo ah xubinta kaliya ee Carbeed ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka codsatay “inay abaabulaan taageerada lagama maarmaanka ah si loo soo saaro go’aannada lagama maarmaanka ah ee xaqiijinaya midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”. Jaamacadda Carabtu waxay Aljeeriya, oo ah xubinta kaliya ee Carbeed ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka codsatay “inay abaabulaan taageerada lagama maarmaanka ah si loo soo saaro go’aannada lagama maarmaanka ah ee xaqiijinaya midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.

Ku-simaha ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, ayaa golaha walaac ka muujiyay heshiiska, oo uu sheegay in uu xiisad ka abuuray Geeska Afrika, xilli gobolka uu wajahayo qalalaaso kale. “Waxaan xusuustaa in Golaha Ammaanku uu si joogto ah u caddeeyey ixtiraamka madax-bannaanida, madaxbannaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Mr Swan. “Waxaan ku dhiirigelinayaa Soomaaliya iyo Itoobiya inay arrinta ku xalliyaan si nabad ah, iyadoo la raacayo mabaadi’da madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed, sida uu dhigayo Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.”.

Ku xigeenka safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Robert Wood ayaa sheegay in Washington ay weli si weyn uga walaacsan tahay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo saameynta xun ee ay ku yeelaneyso danaha amniga ee ay wadaagaan. “Waxaan ku biiraynaa AU iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah inaan ku celino taageeradayada madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Mr Wood. “Wadahadalka diblumaasigu waa habka lagu dejiyo xiisadaha, iyo waddada kaliya ee loo marayo.”
June 6-deedii, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya u doortay xubin aan joogto aheyn oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee 2025-2026, matalaysa gobolka Bariga Afrika.

ATMIS ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo howlgallada dalka 31-ka December kadib 17 sano oo uu dalka ka howlgalayay. Ciidamadan ayaa markii hore loo daabulay sidii ay Al-Qaacidada Soomaaliya uga saari lahaayeen Al-Shabaab iyo sidii ay u caawin lahaayeen dowladda federaalka ah ee caalamku aqoonsan yahay. Ciidamada Midowga Afrika oo ku howlgalaya amar ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa ujeedadoodu tahay in ay ka hortagaan soo laabashada Al Shabaab iyo in ay tababaraan ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Iyada oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, ayaa golaha Wasiirada ee XFS waxa uu soo saaray, isla markaana ansixiyay qaraar ka kooban 8 qodob oo qeexaya Khataraha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah:

1. Argagixisada;
2. Aragtida Gooni-goosadka;
3. Dowlad-nugeylka;
4. Xuduudaha Beylahda;
5. Faragelinta Shisheeye;
6. Isbeddelka Cimilada;
7. Khatarta Tiknoolajiyadda;
8. Khataraha Bulshada;

Qodobadaan waxa ay soo baxeen waqti loo baahan yahay, waayo Xuduudaheyna waxay haayeen ‘Baylah’, waana loo baahan yahay inaan suganno suhdimaheyna, islamrkaana aan aragti cusub ka qaadanno, islamarkaana go’aan laga qaato sida loo wajahayo Gooni-goosadnimada, waa arrin wanaagsan oo baahan fulinteeda, haddaba dhammaan arrimahaasi wxay meesha ka saarayaan Hun-hunada ka jira meelaha qaar, iyo kuwa six un wax u sheega waa tii la yiri:- ‘ six xun wax u sheeg Sixirow ka daran’.

By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh o kulan la qaatay hogaannada Taliska ciidanka xoogga dalka 

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la…

GudahaWararka
September 7, 2023

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Buulo-barde

Buula-burde (SONNA) Taliyaha Ciidanka Xoga dalka Genaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray dagmada Buulo-burde. Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay…

GudahaWararka
July 11, 2021

Saraakiil ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loo soo xiray “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Tababar ku saabsan baarista dukumiintiga safarka (Baasaboor iyo Fiisaha) iyo hubinta qofka ku safraayo lahaanshihiisa dukumiintiga safarka ayaa maanta…

GudahaWararka
May 20, 2021

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa'uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee…

Gudaha
January 23, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023