Muqdisho, (SONNA): – Shirweynaha Culumada Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa lagu falanqeeyay fikirka Shiicada iyo khatarta uu ku hayo umadda Islaamka, dooddan oo daadihinayay Sh. Maxamed Abuukar Xasan, Sh. Xuseen Sh. Xasan, iyo Sh. Maxamed Sh. Cali Maxamuud.
Inta ay dooddu socotey culimada waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in dadka la baro arrimaha diinta lana xoojiyo midnimada culimada si looga hortago fiditaanka fikirka Shiicada.
Waxa kale oo ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in sare loo qaado wada shaqaynta culimada si loo helo ummad Islaami ah oo midaysan, lagana ilaaliyo fikradaha wax u dhimaya xasiloonideeda.