Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Shirwaynaha sanadlaha ah ee machadka Heritage oo Djibouti ka furmay 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirwaynaha sanadlaha ah ee machadka Heritage oo Djibouti ka furmay 
GudahaWararka

Shirwaynaha sanadlaha ah ee machadka Heritage oo Djibouti ka furmay 

By Kanaava Mohamed
Last updated: December 19, 2023
2 Min Read
Share

Jabuuti(SONNA): — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dalka Jabuuti ka furay shirwaynaha sanadlaha ah ee machadka Heritage, oo sanadkan diiradda lagu saarayo kobcinta dhaqanka nabadda Geeska, oo saamayn ku leh guud ahaan bulshooyinka gobolka gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo madasha khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka warbixiyey muhiimada uu mawduucan leeyahay iyo sida uu u taabanayo nolosha shucuubta mandiqadda ku nool – gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in nabaddu fure u tahay albaabada naga xiran ee horumarka amni, dhaqaale, bulsho iyo mid siyaasadeed intaba.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Somaaliyeed muddo dheer dagaal xooggan ay kula jiraan kooxaha Khawaarijta ah ee argagixisada oo khatar ku ah dalkeena, gobolka geeska iyo guud ahaan caalamkaba.

Mudane Xamsa waxa uu sheegay in si aan dal iyo dibadba uga baadi goobno nabadda naga maqan, ay dowladda Soomaaliyeed ka dhigtay mid ka mid ah tiirarka barnaamijka Xukuumadda Dan-Qaran “Soomaali Heshiis ah Dunidana heshiis la’ah”.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad-celiyey Madaxwayna Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle doorka shariifka ah ee isaga shacabkiisu ka qaateen madasha isagoo ku bogaaadiyey Machadka Heritage dadaalka ay geliyeen inay isku keenaan boqolaal qof oo Soomaaliyeed oo ku kala nool daafaha caalamka si loo lafa giro Nabadda Geeska.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka xoogga oo howlgal ka sameeyay degaanno ka tirsan Jubbada hoose

Kismaayo-(SONNA)-Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal ballaaran ka fuliyay deegaanno u dhexeeya Janaay cabdalle iyo degmada Afmadow…

GudahaWararka
June 21, 2023

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo amray in degdeg loo fasaxo duulimaadyada

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabaaya cabashooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa garoonka…

GudahaWararka
March 6, 2024

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kormeeray garoonka Aadan Cadde 

Muqdisho (SONNA) - Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kormeer shaqo ku tagay…

GudahaWararka
December 19, 2024

Ra’iisul Wasaare Xamse oo abaalmarinno guddoonsiiyay muwaaddiniin ka qeyb qaatay xasillinta Caasimadda

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehelinayaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudan Saalax Axmed Jamaac…

GudahaWararka
May 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023