Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
GanacsigaGudahaMaqaalladaSawirroSiyaasaddaTechnology

Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya

By Kanaava Mohamed
Last updated: September 26, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Sebtember 5, 2024, Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, wuxuu khudbad kaga hadlay furitaanka Foorumka Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee Beijing, isagoo ugu yeedhay mid si wadajir ah loo gaadhi karo casriyeynta iyo abuurista mustaqbalka bulsho wadaag ah.

Sebtember 6, 2024, Madaxweynaha Shiinaha iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxay ku kulmeen Aqalka Shacabka ee Beijing halkaas oo ay ku dhawaaqeen in xidhiidhka labada dal la gaadhsiiyay heerka istiraatiijiyad wadaag ah. Tani waxay muujineysaa fursado waaweyn oo horumar u leh Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya.

Tan iyo markii la aasaasay Foorumka Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee sanadkii 2000, iskaashiga Shiinaha iyo Afrika wuxuu noqday mid muhiim ah.

Madaxweynayaasha iyo madaxda labada dhinac waxay booqdeen dalalka midba midka kale, halka Shiinuhu uu taageero ballaadhan u fidiyay dalal badan oo Afrikaan ah. Haddii aan dib u eegno xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, wuxuu bilaabmay 1964 markii Ra’iisul Wasaarihii hore Zhou Enlai uu booqasho ku tagay Muqdisho. Shiinaha wuxuu ka caawiyay Soomaaliya mashaariic fara badan oo horumarineed oo dhanka caafimaadka iyo beeraha.

Shirka Beijing wuxuu ku saabsanaa casriyeynta, taas oo la jaan qaadaysa hadafyada Afrika ee qorshaha 2063. Madaxweyne Xi Jinping wuxuu sheegay in casriyeynta cusub ee Afrika ay tahay mid caddaalad ah, dadku ku horeeyaan, isdhexgal la sameeyo, deegaanka la ilaaliyo, iyo nabad la gaadho. Shiinaha wuxuu doonayaa inuu taageero siiyo dalalka Afrika si ay u gaadhaan isbeddelka casriyeynta iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta.

Talaabooyinka “Toban Iskaashiga”

Shiinaha wuxuu soo bandhigay ‘Toban Iskaashi’ oo ay ka mid yihiin isdhaafsiga siyaasadda, ganacsiga, isku xidhka, caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarinta cagaaran. Si loo hirgeliyo qorshahayaashan, Shiinaha wuxuu ballan qaaday inuu bixiyo taageero dhaqaale oo gaadhaysa 360 bilyan oo yuan ah, sanadaha soo socda. Waxa kale oo uu Shiinaha sameyn doonaa mashruucyo caafimaad iyo tamar nadiif ah si ay u taageeraan casriyeynta Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay hesho nabad iyo xasillooni, isagoo sheegay in Shiinaha uu yahay saaxiib lagu kalsoon yahay.

Gunaanad

Shiinaha iyo Soomaaliya waxay leeyihiin xidhiidh soo jireen ah oo ku salaysan isfaham iyo iskaashi wadajir ah. Horumarka maanta wuxuu la xidhiidhaa horumarka Afrika iyo Soomaaliya, waxaa na labada dhinac ay ku jiraan dariiq la isku halleyn karo oo ku beegan horumar iyo casriyeyn waarta.

W/Q Dr. Abdilahi Ismail Abdilahi, ( Lecture at School of African Studies, Beijing Foreign Studies University).

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Duqa muqdisho oo xarigga ka jaray 12 waddo

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray 12 waddo oo Intarloog…

GudahaWararka
September 17, 2025

Culimada Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabtay isu soo bax ay kaga soo horjeedaan farogelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Banaanbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil kula kacday Midnimada Soomaaliya oo Culimada Soomaaliyeed ay soo abaabuleen ayaa hadda ka socda…

GudahaWararka
January 7, 2026

Ra’iisul Wasaare Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyay Doxa

Doxa…SONNA…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada…

GudahaWararka
October 4, 2021

Guddoomiyaha SoDMA oo Safiirka Shiinaha kala wareegay deeq lacageed

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay deeq lacageed oo…

GudahaWararka
December 8, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023