Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hantidhowrayaal Soomaaliyeed oo shir uga qaybgalay Turkiga
    January 27, 2026
    Wasiir Fiqi oo qaabilay madaxa Guddiga Ciidamada Midowga Yurub
    January 27, 2026
    Xukuumadda oo muddeysay gogosha wada-hadalka Qaran
    January 27, 2026
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Jabuuti
    January 27, 2026
    Xafiiska xeer-ilaaliyahaguud oo soo bandhigay guulihii 2025 iyo qorshayaasha 2026
    January 27, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
GanacsigaGudahaMaqaalladaSawirroSiyaasaddaTechnology

Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya

By Kanaava Mohamed
Last updated: September 26, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Sebtember 5, 2024, Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, wuxuu khudbad kaga hadlay furitaanka Foorumka Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee Beijing, isagoo ugu yeedhay mid si wadajir ah loo gaadhi karo casriyeynta iyo abuurista mustaqbalka bulsho wadaag ah.

Sebtember 6, 2024, Madaxweynaha Shiinaha iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxay ku kulmeen Aqalka Shacabka ee Beijing halkaas oo ay ku dhawaaqeen in xidhiidhka labada dal la gaadhsiiyay heerka istiraatiijiyad wadaag ah. Tani waxay muujineysaa fursado waaweyn oo horumar u leh Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya.

Tan iyo markii la aasaasay Foorumka Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee sanadkii 2000, iskaashiga Shiinaha iyo Afrika wuxuu noqday mid muhiim ah.

Madaxweynayaasha iyo madaxda labada dhinac waxay booqdeen dalalka midba midka kale, halka Shiinuhu uu taageero ballaadhan u fidiyay dalal badan oo Afrikaan ah. Haddii aan dib u eegno xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, wuxuu bilaabmay 1964 markii Ra’iisul Wasaarihii hore Zhou Enlai uu booqasho ku tagay Muqdisho. Shiinaha wuxuu ka caawiyay Soomaaliya mashaariic fara badan oo horumarineed oo dhanka caafimaadka iyo beeraha.

Shirka Beijing wuxuu ku saabsanaa casriyeynta, taas oo la jaan qaadaysa hadafyada Afrika ee qorshaha 2063. Madaxweyne Xi Jinping wuxuu sheegay in casriyeynta cusub ee Afrika ay tahay mid caddaalad ah, dadku ku horeeyaan, isdhexgal la sameeyo, deegaanka la ilaaliyo, iyo nabad la gaadho. Shiinaha wuxuu doonayaa inuu taageero siiyo dalalka Afrika si ay u gaadhaan isbeddelka casriyeynta iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta.

Talaabooyinka “Toban Iskaashiga”

Shiinaha wuxuu soo bandhigay ‘Toban Iskaashi’ oo ay ka mid yihiin isdhaafsiga siyaasadda, ganacsiga, isku xidhka, caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarinta cagaaran. Si loo hirgeliyo qorshahayaashan, Shiinaha wuxuu ballan qaaday inuu bixiyo taageero dhaqaale oo gaadhaysa 360 bilyan oo yuan ah, sanadaha soo socda. Waxa kale oo uu Shiinaha sameyn doonaa mashruucyo caafimaad iyo tamar nadiif ah si ay u taageeraan casriyeynta Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay hesho nabad iyo xasillooni, isagoo sheegay in Shiinaha uu yahay saaxiib lagu kalsoon yahay.

Gunaanad

Shiinaha iyo Soomaaliya waxay leeyihiin xidhiidh soo jireen ah oo ku salaysan isfaham iyo iskaashi wadajir ah. Horumarka maanta wuxuu la xidhiidhaa horumarka Afrika iyo Soomaaliya, waxaa na labada dhinac ay ku jiraan dariiq la isku halleyn karo oo ku beegan horumar iyo casriyeyn waarta.

W/Q Dr. Abdilahi Ismail Abdilahi, ( Lecture at School of African Studies, Beijing Foreign Studies University).

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hantidhowrayaal Soomaaliyeed oo shir uga qaybgalay Turkiga

Ankara (SONNA): Hantidhowrayaal ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa magaalada Ankara ee caasimadda…

January 27, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay heshiisyadii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar

Qaahira-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Daa'uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiisyadii ay Qaahira ku kala saxiixdeen…

GudahaWararka
January 10, 2023

Taliye Booliiska Soomaaliya oo la kulmay Madaxwaynaha maamulka Galmudug

Dh/Mareeb-(SONNA)- Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya S/gaas.Cabdi Xasan (Xijaar) ayaa goor dhaw gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka…

GudahaWararka
October 25, 2020

Guddoomiyaha Golaha Shacabka FS oo la kulmay Madaxda Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

Muqdisho.SONNAโ€ฆ.Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta…

Gudaha
April 19, 2024

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo furtay aqoon kororsi ku saabsan diyaarinta qeybaha Dhiigga iyo Maareynta Dhiig-shubista

Muqdisho,(SONNA):-Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada qeybta Tababarada (Internship and Training program) ayaa maanta Isbitaalka Banaadir ku qabatay Siminaar ku saabsan…

GudahaWararka
June 15, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023