Muqdisho.(SONNA)…Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS oo kaashaneysa Shirkadda Korontada ee Beco ayaa maanta Cisbitaalka Martiini geysay koronto lagu xoojinaayo qalabka lagula tacaalayo Cudurka Covid-19
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiyo Maxamed Sheekh oo ka jawaabeysa Cabasho koronta uga timid Maamulka Cisbitaalka Martiine iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo dareeylka Bulshada ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Cisbitaalka Martiini geysay quburo dhinaca korontada iyo maamulka shirkada beco si wax looga qabta baahiyaha korontada ee ka jira Cisbitaalka Madaama uu yahay xarunta karantiilka dad uu soo rito Cudurka safmareenka ah karoona Feyrus.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa uga mahadcelisay wasaaradda Tamarta iyo shirkada sida deg deg ah ay uga soo jawaabeen inay wax kala qabtaan xaaladaha culus ee taaganโฆ
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa sheegtay in ay shirkada kala hadleen in la keeno matooro iyo koronto awood uleh in cisbitaalka uu qaabilo culuska ka jira dalka eek u aadan xaaladaha soo kordhaya ee cudurka karoona feyrusโฆ
Sidoo kale Wasiirka tamarta Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa waxay shirkadaha biyaha ka codsatay in ay keenaan biyo ku filan cisbitaalka maadaamaย shaqada u taala ay tahay mid ka duwan xaaladahii hore.
Cali Maxamed Kaariye Madaxa howl-galinta shirkada Beco ayaa sheegay in shirkadu ay diyaar utahay ka qeyb-qaadashada talacaalida Cudurkaan Covid-19โฆ
Dowladda Soomaaliya ayaa Cisbtaalka Martiina ka dhigtay gooba lagu baxnaaniyo dadka uu soo rito Cudkurka Covid-19 waxaana loo dhameyntiray qabalkii loogu talagalay la tacaalida Cudurkaan safmareenka ee Karoona Feyruska