Muqdisho.(SONNA)…Shirka wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Muqdisho.
Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Qabanqaabo ku aadan munaasabadda furitaanka iyo socodsiinta howlaha shirka wadatashiga.
Xukuumadda DFS ayaa sheegtay in aysan jirin wax isbaddal ah oo ku yimid hannaankii loogu talagalay qabashada shirka wadatashiga.
Madaxweynayaasha K/Galbeed,Galmudug iyo Jubbaland Lafta-gareen ,Qoor-qoor,iyo Axmed Madoobe ayaa haatan ku sugan Magalada Muqdisho,halka, la filayo in madaxweynayaasha kale ay soo gaaraan Caasimadda Dalka.