Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha ay ku leeyiihiin nabadda iyo xasilloonida.
Mudane Daa’uud Aweys Jaamac wasiirka wasaaradda Warfaafinta ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay hubinta wararka taasoo meesha ka saareyso faafinta wararka been abuurka ah.
“ Hurinta colaadaha iyo faafinta been abuurka waxey saameyn ku leeyihiin xasilloonida iyo dowladnimada.” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta mudane Daa’uud Aweys Jaamac
WasiirkaIsgaarsiintaiyoTeknolojiyada XFS, mudane Maxamed Soomaali isna ka hadlay shirka ayaa sheegay in Kicinta Colaadaha ay lid ku tahay horumarka Bulshada, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in meel looga soo wada-jeesto.
Shirkaan waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saxafiyiin, khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.