Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo xiray
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo xiray
GudahaWararka

Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo xiray

By Kanaava Mohamed
Last updated: December 9, 2024
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Shirkaan oo muddo labo maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay Muhiimada Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya, iyo sidii loo mideyn lahaa Fariimaha Dowladda iyo Maamulada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Shirkaan waxaa soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana Furintaankiisa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ahna ku simaha Wasiirka Mudane Cabdirahmaan Yuusuf Al-Cadaala, isaga oo sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saartay sidii loo mideyn lahaa fariimaha Dowladda, iyo jihaynta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana laga gaaray guulo wax ku ool ah.

Maalinkii koowaad ee Shirka waxaa aad loo faaqiday saddex dood oo kala ahaa Maareynta muhiimada Xiriirka Warbaahinta Xilligaan Casriga ah, hagaajinta iyo Mideynta fariimaha hay’addaha kala duwan ee Dowladda, iyo Fududeynta Xaqa Xog Helista Warbaahinta iyo Dadweynaha.

Doodahaan waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan hay’addaha kala duwan ee dowladda, khubarro dhinaca Warbaahinta ah, Siyaasiyiin iyo xiriirka dadweynaha, xafiisyada Warfaafinta dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, wariyayaal iyo qeybaha kale ee bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tilmaamay in ay madashan tahay fursad ay ku wada hadlaan dowladda, Warbaahinta iyo dadweynaha si loo xoojiyo wacyi-galinta dadweynaha iyo kor u qaadista daah furnaanta dowladda.

Maanta oo shirka lasoo xiray, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tiran Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Wakiilada Maamul goboleedyada, Maamulka G/Banaadir, Warbaahinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Caalamka, si loo xoojiyo iskaashiga Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha.

Dadka maanta ka qeyb galay shirka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Qorshaynta XFS Maxamuud Beenebeene, Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali, Wasiirka Qoyska Bashiir Mohamed Jaamac Goobe, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala, madax ka tirsan dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo marti kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Mohamed Nor ayaa shirka ka sheegay in Warbaahintu Door muhiim ah ka qaadatay dagaalka dalka looga xoreynaayo khawaarijta “Guulaha laga gaaray Dagaalka Khawaarijta, warbaahinta waxay ka qaadatay Door muhiim ah, waxaa lasoo bandhigay Boobka iyo Dullaysiga Khawaarijtu ku haysay Bulshadii laga xoreeyay” ayuu yiri Wasiir jaamac.

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Mohamed Aadan Moalim, ayaa xusay in shirkaan oo muhiim u ahaa midaynta fariimaha Dowladda si isku mid loogu wajaho dagaalka Khawaarijta wuxuuna intaa ku daray ”Inaga oo kaashanayna Wasaaradda Warfaafinta Waxaan meesha ka saarnay kumanaan Akoonno Baraha Bulshada Khawaarijtu ku marin habaabinaysay Dadkeena”.

Sidoo kole Wasiirka Qorshaynta Xukuumada Maxamuud Cabdirahman Beenebeene oo Madasha ka hadlay yaa faahfaahin ka bixiyay sida uu dowlad dhiska iyo horumarka dalka muhiim ugu yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo mudooyinkii lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyoone.

Masuu’liyiintii goobta ka hadashay waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka Mudane Bashiir Mohamed Jaamac Goobe. Waxaa uu xusay in warbaahintu door muhim ah ku leedahay Midnimada iyo wadajirka Dadka Soomaaliyeed “Qofka waxay masuuliyad ka saran tahay ilaalinta Xuquuqda, warbaahintana waxaan ku boorinaynaa inaysan waxyeelayn mideynta Bulshadeena”

Gunnaanadkii waxaa Madasha ka hadlay Wakiilada ka socday sida Wakiilka ATMIS ee Soomaaliya wuxuu yiri “Horumarinta iyo midaynta xiriirka Warbaahinta waxay muhiim u tahay ka hortagga been abuurka Khawaarijtu ay ku marin habaabinayaan bulshada”

Ari Gaitnis oo ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ayaa isna sharaxamay muhiimda Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ” Istiraatiijiyadda xiriirka aad ayay muhiim inoogu tahay, ka UN ahaan maadaama dadka Soomaaliyeed aan ka taageerno dhinacyo badan, waana talaabo horumar horseedi karta” ayuu ku daray hadalkiisa.

Dood ku saabsan la dagaalanka Xagjirnimada ayaa lagu soo xiray doodihii Madasha oo ahayd tii ugu horeysay ee Istiraatiyadda Xiriirka Warbaahinta.

Ku simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa uga dambeyn xiritaanka u mahad celiyay qeybaha bulshada, madaxda hay’adaha dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah, Bahda saxaafadda iyo saaxiibadda Caalamka ee ka qeyb galay Madasha.

Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ee shalay galinkii dambe lasoo xiray oo ay qabashadeeda Wasaaradda uu ka taageeray Hawlgalka ku meel gaarka ah ee Qaramada midoobay  UNTMIS ayaa filashadeedu tahay inuu horseed u noqdo Jihaynta Bulshada ee Dowlad dhiska, mideynta Fariimaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga Bulshadeena.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ururka Jaamacadda Carabta oo ku baaqay kulan deg deg ah

Mas’uuliyiinta Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay in dowladaha Masar iyo Urdun ay soo jeediyeen in wasiiradda arrimaha dibadda ee dowladaha Carabtu…

Wararka
January 28, 2021

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta lasoo taagayo mas’uuliyiin ku eedeysan musuq-maasuq

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisaneysa dhageysiga dacwad Ciqaabeed loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada…

GudahaWararka
July 26, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiska ku qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya+Sawirro

Muqdisho (SONNA)- Gudoomiyaha golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya  Mudane  Maxamed Mursal sheikh Cabdirahmaan ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay…

Wararka
July 7, 2020

Wasiir Fawziya Oo Aaladda Fogaan Aragga Uga Qeyb Gashay Shir Caalami Ah

Muqdisho (SONNA)-Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa Aaladda Fogaan aragga ee Internetka kaga…

Wararka
August 13, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023