Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo laga soo saaray War-murtiyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo laga soo saaray War-murtiyeed
GudahaWararka

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo laga soo saaray War-murtiyeed

By Kanaava Mohamed
Last updated: May 7, 2025
5 Min Read
Share

War-murtiyeedkii ka soo baxay Madasha Wadatashiga Qaranka ee ka qabsoomay Muqdosho 6-7 May 2025

1. Hordhac

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho October 6-7 May 2025. Shirka o qayb ka ah shirarka wadatashiga ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu hore ugu baaqay, waxaa ka soo qaybgalay Ra’lisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo Hogaamiyaha Dowlad Gobaleedka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali.

1. Warbixin

GWQ waxa uu warbixino faahfaahsan ka dhagaystay:

a. La-taliyaha Amniga Qaranka oo golaha uga waramay xaalada dagaalka lagula jirc argagixisada iyo qorshaha looga nadiifinayo goobaha ay dhawaanahan xasilooni darada ka wadeen.

b. Gudoomiyaha Guddiga Doorashada oo si faahfaahsan uga waribixiyay habsami u-socodka diiwaangelinta cod bixiyaasha, iyo diyaargarowga guud ee ka billaabmay Gobolka Banadir.

2. Bogaadin:

a. GWQ waxa uu u hambalyeeyay geesiyada ciidamada qaranka iyo xoogaga difaac: bulshada guulaha ay ka gaareen la dagaalanka argagaxisada, sida oo kale waxaa uu bogaadiyay sida ay dawlada federaalka u maaraysay qaabdhismeeka iyo howsha shaqo ee Howl Galka Midowga Afrika ee AUSSOM.

b.Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyey habsami u socodka howlaha diwaangalinta dadweynaha ee ka bilaabatay Gobolka Banaadir. Waxa uuna ku dhiirigaliyey inay gaarsiyaan degaanada dowlad goboleedyada dalka.

3. Go’aamada Shirka

GWQ waxa uu si goto-dheer u falanqeeyay xaaladaha amniga, siyaasadda, iyo bini aadanimo ee dalku ku suganyahay, wuxuuna ku heshiiyay qodobada soo socda:

1. Goluhu waxa uu isla qaatay inay lagama maarmaan tahay in laga wada qayb-qaato la dagaalanka argagixisada lana garab istaago ciidamada qaranka.

2. Goluhu waxa uu adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo hay’ adaha dastuuriga ah ee dalka taas 00 aas-aas u ah hanaanka dawaladnimo ee dadka Soomaaliyeed hiigsanayaan kuna qotoma dastuurka dalka.

3. Goluhu waxa uu isku raacay in maamul-goboleedyadu ay gudiga doorashada kala shaqeeyaan dardargelinta iyo baahinta diiwaangalinta dadwaynaha si loo hirgaliyo doorasho xor iyo xalaal ah.

4. Goluhu waxa uu soo dhaweeyay hannaanka xisbiyada badan ee Dalka kahirgalay, wuxuuna u hambalyeeyay xisbiyada is diiwaangeliyay, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay dhammaan kooxaha daneeya siyaasadda iney diiwaan gashadaan ururro siyaasadeed matala afkaartooda.

5. GWQ isaga oo ka duulaya baaqii madaxweynaha ee maalintii ciidda aheyd

(29 Maarso 2025), waxa uu isku raacay in Dawlada Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ay dardar galiyaan wadatashiga siyaasiyiinta iyo waxgaradka dalka si loogu midoobo la dagaalanka argagixisada, dimuqraadiyadeynta iyo dib-u-dhiska dalka.

6. GWQ waxa uu isku raacay in wasaarada’Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ay keento talo iyo soo jeedin xaalada Maamul Goboleedka Jubaland si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka, si loo helo nidaam dawlad Goboleed oo sharci ah.

7. Goluhu waxa uu u isla aqoonsaday in SSC-Khaatumo ay tahay xubin ka mid ah dowladaha xubinta ka ah DFS, laguna soo dhammaystiro shirweynaha loo ballansan yahay iyada oo la raacayo dastuurka dalka.

8. Goluhu waxaa uu Dowladda federaalka u soo jeediyay in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo SSC-Khaatumo iska kaashadaan qabashada shirweynaha iyo dhammaystirka SSC-Khaatumo.

9. Goluhu waxa uu isku raacay in DFS iyo maamul goboleedyada ay si dhow uga wada shaqeeyaan duruufaha bini-aadanimo ee adag ee ka dhashay isbedelka cimilada iyo dagaalada argagaxisada si looga gudbo duruufaha adag ee shacabka Soomaaliyeed ku nool yihiin.

10. Goluhu waxa uu ku bogaadiyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya soo dhameystirka Qorshaha Isbedelka Qaranka, waxa uuna ugu baaqay dhamaan beesha caalamka, maalgashatada iyo ganacsatada iney mudnaan sรผyaan mashaariicda horumarinta qaranka ee wax looga badalayo kobaca dhaqaalaha, shaga abuurka iyo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaare Xamse “Waxaan billaabayna Kacdoon lagula dagaalamayo Musuq-maasuqa”

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalmiga ah ee La-Dagaallanka…

GudahaWararka
December 18, 2022

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo tababar u soo xiray toban Danjire

Muqdisho(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ku saabsan diblumaasiyadda oo soconayey muddo saddex toddobaad…

GudahaWararka
March 9, 2024

DFS oo wadda da’daallo dalka dib loogu soo celinayo dhallinyarada ku dhibaateysan Liibiyo

Muqdisho(SONNA);-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 11-ka bishan June 2024 dalka dib ugu soo celin-doonto 15 kamid dhalinyaro ku dhibaateysan dalka Liibiya,…

GudahaWararka
June 2, 2024

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaatay madaxa Xafiiska USAID ee Soomaaliya Catie Lott

Muqdisho(SONNA):'Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan wax-ku-ool ah oo la xariira arrimaha gargaarka, korjoogteynta deeqaha, tayaynta…

GudahaWararka
November 9, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023