Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo laga soo saaray War-murtiyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo laga soo saaray War-murtiyeed
GudahaWararka

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo laga soo saaray War-murtiyeed

By Kanaava Mohamed
Last updated: May 7, 2025
5 Min Read
Share

War-murtiyeedkii ka soo baxay Madasha Wadatashiga Qaranka ee ka qabsoomay Muqdosho 6-7 May 2025

1. Hordhac

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho October 6-7 May 2025. Shirka o qayb ka ah shirarka wadatashiga ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu hore ugu baaqay, waxaa ka soo qaybgalay Ra’lisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo Hogaamiyaha Dowlad Gobaleedka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali.

1. Warbixin

GWQ waxa uu warbixino faahfaahsan ka dhagaystay:

a. La-taliyaha Amniga Qaranka oo golaha uga waramay xaalada dagaalka lagula jirc argagixisada iyo qorshaha looga nadiifinayo goobaha ay dhawaanahan xasilooni darada ka wadeen.

b. Gudoomiyaha Guddiga Doorashada oo si faahfaahsan uga waribixiyay habsami u-socodka diiwaangelinta cod bixiyaasha, iyo diyaargarowga guud ee ka billaabmay Gobolka Banadir.

2. Bogaadin:

a. GWQ waxa uu u hambalyeeyay geesiyada ciidamada qaranka iyo xoogaga difaac: bulshada guulaha ay ka gaareen la dagaalanka argagaxisada, sida oo kale waxaa uu bogaadiyay sida ay dawlada federaalka u maaraysay qaabdhismeeka iyo howsha shaqo ee Howl Galka Midowga Afrika ee AUSSOM.

b.Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyey habsami u socodka howlaha diwaangalinta dadweynaha ee ka bilaabatay Gobolka Banaadir. Waxa uuna ku dhiirigaliyey inay gaarsiyaan degaanada dowlad goboleedyada dalka.

3. Go’aamada Shirka

GWQ waxa uu si goto-dheer u falanqeeyay xaaladaha amniga, siyaasadda, iyo bini aadanimo ee dalku ku suganyahay, wuxuuna ku heshiiyay qodobada soo socda:

1. Goluhu waxa uu isla qaatay inay lagama maarmaan tahay in laga wada qayb-qaato la dagaalanka argagixisada lana garab istaago ciidamada qaranka.

2. Goluhu waxa uu adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo hay’ adaha dastuuriga ah ee dalka taas 00 aas-aas u ah hanaanka dawaladnimo ee dadka Soomaaliyeed hiigsanayaan kuna qotoma dastuurka dalka.

3. Goluhu waxa uu isku raacay in maamul-goboleedyadu ay gudiga doorashada kala shaqeeyaan dardargelinta iyo baahinta diiwaangalinta dadwaynaha si loo hirgaliyo doorasho xor iyo xalaal ah.

4. Goluhu waxa uu soo dhaweeyay hannaanka xisbiyada badan ee Dalka kahirgalay, wuxuuna u hambalyeeyay xisbiyada is diiwaangeliyay, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay dhammaan kooxaha daneeya siyaasadda iney diiwaan gashadaan ururro siyaasadeed matala afkaartooda.

5. GWQ isaga oo ka duulaya baaqii madaxweynaha ee maalintii ciidda aheyd

(29 Maarso 2025), waxa uu isku raacay in Dawlada Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ay dardar galiyaan wadatashiga siyaasiyiinta iyo waxgaradka dalka si loogu midoobo la dagaalanka argagixisada, dimuqraadiyadeynta iyo dib-u-dhiska dalka.

6. GWQ waxa uu isku raacay in wasaarada’Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ay keento talo iyo soo jeedin xaalada Maamul Goboleedka Jubaland si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka, si loo helo nidaam dawlad Goboleed oo sharci ah.

7. Goluhu waxa uu u isla aqoonsaday in SSC-Khaatumo ay tahay xubin ka mid ah dowladaha xubinta ka ah DFS, laguna soo dhammaystiro shirweynaha loo ballansan yahay iyada oo la raacayo dastuurka dalka.

8. Goluhu waxaa uu Dowladda federaalka u soo jeediyay in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo SSC-Khaatumo iska kaashadaan qabashada shirweynaha iyo dhammaystirka SSC-Khaatumo.

9. Goluhu waxa uu isku raacay in DFS iyo maamul goboleedyada ay si dhow uga wada shaqeeyaan duruufaha bini-aadanimo ee adag ee ka dhashay isbedelka cimilada iyo dagaalada argagaxisada si looga gudbo duruufaha adag ee shacabka Soomaaliyeed ku nool yihiin.

10. Goluhu waxa uu ku bogaadiyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya soo dhameystirka Qorshaha Isbedelka Qaranka, waxa uuna ugu baaqay dhamaan beesha caalamka, maalgashatada iyo ganacsatada iney mudnaan süyaan mashaariicda horumarinta qaranka ee wax looga badalayo kobaca dhaqaalaha, shaga abuurka iyo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya

Newy Delhi-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Dr; Cali Xaaji Aadan Abuukar iyo wafdi uu hoggaaminayo…

GudahaWararka
April 27, 2023

Shirkadda Amal oo gargaar Lacageed ugu deeqday Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha Dalka ka dhacay+ Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Shirkadda Amal Group ayaa Dadka ay saameysay fatahaadda ka dhacday qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ugu deeqday Lacag gaareysa…

Wararka
November 8, 2019

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanadii colaad beeleedyadu ka dhaceen ee gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb (SONNA): Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaano ka tirsan waqooyiga gobolka Galgaduud, kuwaas oo…

GudahaWararka
June 12, 2024

Guddiga Awqaafta Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Diinta XFS

Muqdisho(SONNA);-Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan su’aalo waydiin iyo la…

GudahaWararka
September 9, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023