Muqdisho.SONNA…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoominaya maalintii labaad shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu lafa gurayaa warbixinnada ay soo gudbiyeen guddiyada u xilsaaran soo dhiraan dhirinta hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka amniga qaranka.
Shirkan waxaa ka qeyb galay Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shalay oo Khamiis aheyd ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.