Muqdisho(SONNA):-Shirkaan oo ay Soomaaliya ku matalayaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Fardowsa Maxamed Qanyare iyo saraakiil kale, ayaa looga hadlayay howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Shirkan oo shalay furmay, kaasoo ahaa heer farsamo, ayaa maanta u gudbay heer wasiir. Waxaana ka qayb galay wasiirro iyo saraakiil ka kala socday dalalka ciidamadooda howlgalkaan ku matalaya, kuwaas oo kala ah: Uganda, Kenya, Masar, Itoobiya, iyo Jabuuti. Sidoo kale waxaa shirka jooga Madaxda Midowga Afrika, Yurub iyo Qaramada Midoobey.
Shirka waxaa diiradda lagu saaray taageerada iyo garab istaagga Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo sidii loo xoojin lahaa howlgalka AUSSOM.
Shirkaan ayaa lagu wadaa in go’aanno muhiim ah laga soo saaro.