Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shaqaale ka tirsan  Q.Midoobay oo lagu rasaaseeyay gobolka Tigreey
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Shaqaale ka tirsan  Q.Midoobay oo lagu rasaaseeyay gobolka Tigreey
Wararka

Shaqaale ka tirsan  Q.Midoobay oo lagu rasaaseeyay gobolka Tigreey

By Kulane
Last updated: December 9, 2020
3 Min Read
Share

Ithiopia ayaa qiratay in ciidankeeda rasaaseeyeen isla markaana ku xireen shaqaale QM ka tirsan gobolka Tigreey, ayagoo ku eedeeyay in ay galeen goobo aan loo ogolaanin amar la’aan.

Redwan Xuseen oo ah afhayeenka ciidanka howlgalka ka wada gobolka Tigreey ayaa tallaadadii sheegay in gobolka loo ogol yahay in ay galaan shaqaalaha gargaarka.

Waxaa uu sheegay in shaqaale ka tirsan QM ay ka gudbeen labo bar kontorool ka dibna isku dayeen in ay dhaafaan mid sadexaad sidaasna lagu rasaaseeyay, isagoo intaas ku daray in shaqaalaha muddo kooban ka dib la sii daayay.

Dhinaca kale, afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa sheegay in kolonyo QM leedahay oo ay la socdeen affar shaqaale ah kuwaas oo doonayay in ay qiimeeyaan xaaladda gobolka ay la kulmeen is hor istaag ciidanka ah, waxaa uu tilmaamay in kolonyada ay hor u dhac u aheyd gaadiidka gargaarka oo halkaas loogu talagalay.

Qaramada Midoobey iyo dowladda Ethiopia ayaa heshiis wada saxiixday arbacadii hore ee 29 bishii tagtay, is afgarad ku saabsan in shaqaalaha gargaarka loo ogolaado in ay ka howlgalaan gobolka Tigreey.

Heshiiska ayaa dhigayay in shaqaalaha gargaarka goobaha ay ka howlgali doonaan ciidanka ka war heyn doono hase yeeshee, wali la iskuma afgaran meelihii ay tagi lahaayeen shaqaaha gargaarka.

Wixii heshiiskaas ka dambeeyay, gaadiidka gargaarka sida ayaa ku sugan xuduuda gobolka halkaas oo 6 milyan oo ruux oo gobolka ku nool u baahan yihiin gargaar bani aadanimo, sida ay sheegtay QM.

Sidoo kale, ku dhowaad 96,000 oo qaxooti Eritriyaan ah oo ku jira affar kaam oo ku yaala gobolka Tigreey ayaa kamid ah dadka dhibaateysan.

Shaqaalaha Qaramad Midoobay ayaa lagu rasaaseeyay kaamka Shimelba oo ay ku jiraan qaxootiga Eritrea.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa 28 November, ku dhawaaqay in ciidanka qabsadeen xarunta gobolka Tigreey ee Mekelle, isagoo sheegay in ay socdaan dadaaladii lagu xasilin lahaa xilli wali dagaalada ka socdaan halkaas.

Qiyaastii kumanaan qof ayaa ku dhimatay dagaalka gobolka Tigreey iyadoo ugu yeraan 49, 000 oo qof ku qaxeen dalka Suudaan oo daris la ah gobolka.

Affartii November ayaa ra’isul wasaare Abiy uu ku amray ciidanka in gobolka Tigreey ku qaadaan howlgal uu ugu magac daray soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta ka dib markii TPLF ku eedeeyay in ay weerareen saldhigyada ciidanka militiriga Ethiopia ku lahaa gobolka waqooyiga ee Tigreey.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada deegaanka ee Daaru-nimco oo dilay horjooge ka tirsanaa khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Ciidamada deegaanka ee Daaru-nimco ee gobolka Shabeellada hoose ayaa saaka waaberigii fuliyay howlgal qorsheysan , kaas oo lagu dilay horjooge…

GudahaWararka
July 2, 2025

Midowga Afrika oo soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa soo dhoweeyay heshiiska 25kii August ay Muqdisho ku gaareen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka…

GudahaWararka
August 28, 2025

Ciidanka xoogga oo 10 dhagar qabe ku dilay Shabeellada hoose

Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka xoogga dalka ayaa duleedka degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose ku laayay koox Khawaarij ah oo doonaysay inay jidka…

GudahaWararka
April 15, 2023

IGAD oo si Adag uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya

Jabuuti(SONNA):-Qoraal kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in ururku si dhow ula socdo horumarrada ka socda Geeska Afrika,…

GudahaWararka
December 27, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023