Mas’uuliyinta Ciidamada Dowladda ee ku sugan deegaanka Hilowle gab oo dhaca xadka sh/dhexe iyo Gaalgaduud,ayaa ku baaqay in kooxaha khawaarijta ay ka faa’ideystaan cafiska dowladda,isla markaana ay isku soo dhiibaan ciidamada xoogga ee ku sugan halkaasi.
Gaashaanle Sare Suleymaan Dulmi-diid oo maanta la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale dalbaday in dadka deegaanka ee horey u raacay Khawaarijta ay ka faaideystaan waqtiga cafiska ee ay ku yaboohday dowladda Soomaaliya,isla markaana ay wax la qeybsadaan dadka walaalahooda ah.
Sarkaalkaasi waxa uu xusay in aysan jirin awood dambe oo kooxaha khawaarijta ay kula dagaalamaan ciidanka dowladda,sidaa daraadeed, Waxa uu soo jeediyay in kooxahaasi ay badbaadiyaan naftooda ,hubkoodana ku soo wareejiyaan ciidamada.
Dhanka kale Saalax Niishoow C/Laahi oo kamid ahaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Bakool.