Maanta oo ay tahay 13-ka December, ayaa ku beegan sannad guuradii ka soo wareegtay markii Dowladda Soomaaliya ay gaartay barta kama dambaysta ah ee hannaanka deyn cafinta, oo ahaa dadaal socday muddo ku dhow toban sano.
Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa qoraal uu caawa soo saaray ku xusay guushaas taariikhiga ah iyo xaaladda dhaqaale ee dalka sannad kadib deyn cafinta. Wasiirka ayaa sheegay in sannadkii la soo dhaafay aysan dowladdu wax deyn cusub ah qaadan, iyagoo diiradda saaray horumarinta dakhliga gudaha iyo dib-u-habaynta maaliyadda.
โMaanta oo kale sanad ka hor, waxa ay ii ahayd sharaf in aan goob joog u ahaado, iyadoo uu na wehliyo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, markii nalaga cafiyay deyn dhan $5 bilyan oo curyaamisay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya,โ ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dowladdu ay heshiisyo muhiim ah la saxiixatay dalalka ku jira Naadiga Paris iyo kuwa aan ku jirin ee Non-Paris Club, kuwaas oo qayb ka ahaa dadaallada lagu baabi’inayo deymaha lagu lahaa Soomaaliya.
โInkastoo ay jiraan caqabado dhaqaale, dowladdu waxay ka goโan tahay inay sii waddo dib-u-habaynta maaliyadda, xoojinta maamulka wanaagga, iyo kordhinta dakhliga si loo maalgeliyo adeegyada bulshada, sida shaqaaleysiinta macallimiinta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka,โ ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.
Hannaanka deyn cafinta ayaa ahaa mid muhiim ah oo u suurtogaliyay Soomaaliya inay dib u hanato awooddeeda dhaqaale, iyadoo laga saaray culeysyo dhaqaale oo haystay muddo tobanaan sano ah.