Muqdisho(SONNA)– Safiirka dalka Turkiga u jooga Soomaliya Mahmed Yilmes ayaa booqasho ku tegay Isbitaalka Yardimeli ee Magaalada Muqdisho.
Safiirka ayaa waxa uu ugu kuur galayay habsani u socadka shaqada isbitaalka, kaasi oo si rasmi ah u shaqa bilaabay sanadi 2017-kii xili baahi weeyn loo qabay adeeg caafimaad oo tayo leh.
Safiirka oo ay wahliyaan masuulinta ugu sarreeysa isbitaalka ayaa qol qol u booqday waaxyaha kala duwan ee isbitaalka oo ay ku jiraan dad bukaan ah.
Agaasimaha qeybta caafimaadka Isbitaal Yardimeli Cabdirashiid sheekh yuusuf ayaa warbixin guud ka siiyay Safiirka iyo saaraakill la socatay shaqada isbitaalka uu u hayo shacabka Soomaliyeed.
Safiirka Turkiga u jooga Soomaliya ayaa ku amaanay maamulka isbitaalkal Yardimili shaqada ay u hayaan bulshada Soomaliyeed, kaasi oo hadda si fiican loo qalabeeyay, fuliyana adeegyo caafimaad oo casri ah.