Muqdisho(SONNA):-Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doonta dalka Shiinaha Ambassador Hodan Cusmaan Cabdi ayaa maanta oo Arbaco nuqullo kamid ah Warqadaha aqoonsiga Danjirenimmo waxaa ka guddoomay ku-xigeenka agaasimaha hab-maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Shiinaha Mudane Li Jinjin.
Ambassador Hodan Cusmaan Cabdi oo maalin ka hor halkaas gaartay ayaa sheegtay inay door muuqda ka qaadan doonto xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dalka ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo kor u qaadista iskaashiga caalamiga ah ee labada dhinac wadaagaan.