Mombasa (SONNA) -Danjire JabriIl Ibrahim Cabdullle ayaa maanta ka qaybgalay xafladda furitaanka Tartanka Ciyaaraha Golaha Sharci Dejinta ee dalalka Bariga Afrika ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (EALA). Tartankaan ayaa ka dhacaya magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.
Furitaanka tartanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto iyo dhamaan afhayeenada baarlamaanada dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika EAC.
Danjire Jabril oo khudbad ka jeediyay xafladda furitaanka tartanka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya oo ah xubinta ugu cusub ee ku soo biirtay qoyska EAC, inay u suuragaleen inay tartanka sanadkaan ka qayb-galaan , laakiin Danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto diyaar-garowga ka qeybgalka tartanka soo socda ee la qaban doona sanadka soo socda.
โMa aha oo kaliya in Soomaaliya ka qaybqaadanayso tartanka, laakiin sidoo kale waxaan rajeyneynaa inaan martigelinno ciyaarahan mustaqbalka dhowโ, ayuu yiri Danjire Jabriil.
Is dhexgalka Bulshada Bariga Afrika ayaa ah mid si wanaagsan u socda, iyadoo ciyaaraha iyo dhaqanka la isweydaarsanayo ay door muhiim ah ka qaadanayaan midnimada dalalka Bariga Afrika.
Safiirka ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday โWaxaa naga go’an inaan xoojino xiriirka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo Soomaaliyaโ