New Delhi (SONNA) – Danjiraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan u soo magacawday dalka Hindiya, Danjire, Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa ayaa gaaray Magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.
Danjiraha cusub ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Siihayaha Safaaradda ahna Safiir ku-xigeenka Safaaradda, Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur, Safiirada dalalka caalamka u jooga dalkan Hindiya, diblomaasiyiinta kale ee Safaaradda ka hawlgala iyo sidoo kale qeybo ka mida bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Hindiya.
Intaasi kadib Safiirka cusub Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa, ayaa isbarasho iyo soo dhaweynta ka qaatay madaxdiii iyo shacabkii soo dhaweeyay, dhammaantoodna uga mahadceliyay soo dhaweyntiisa.
Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo qoto dheer, imaatinka Danjiraha cusub ayaa lafilayaa in uu waxbadan ku soo kordhin doono Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Waxbarashada, Ganacsiga iyo xoojina xiriirka labada dhinacNew Delhi (SONNA) – Danjiraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan u soo magacawday dalka Hindiya, Danjire, Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa ayaa gaaray Magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.
Danjiraha cusub ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Siihayaha Safaaradda ahna Safiir ku-xigeenka Safaaradda, Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur, Safiirada dalalka caalamka u jooga dalkan Hindiya, diblomaasiyiinta kale ee Safaaradda ka hawlgala iyo sidoo kale qeybo ka mida bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Hindiya.
Intaasi kadib Safiirka cusub Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa, ayaa isbarasho iyo soo dhaweynta ka qaatay madaxdiii iyo shacabkii soo dhaweeyay, dhammaantoodna uga mahadceliyay soo dhaweyntiisa.
Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo qoto dheer, imaatinka Danjiraha cusub ayaa lafilayaa in uu waxbadan ku soo kordhin doono Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Waxbarashada, Ganacsiga iyo xoojina xiriirka labada dhinac.
.