Muqdisho (SONNA):-Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka kenya Mudane Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa tababar soo xiray Hawlawadeenno katirsan laamaha Amaanka garoomada Soomaaliya.
Tababakaan ayaa intuu socday waxaa bixinaysay safaarada Maraykanka, iyadoona ay soo qaban qaabisay wasaaradda amniga Gudaha ee xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, tababarka ayaa inta uu soconayay diiradda lagu saarayay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo tayada howl-wadeennada kala duwan ee laamaha ammaanka ee garoomada guud ee Dalka Soomaaliya.
Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ugu dambayntii uga mahad-celiyay Dowladda Maraykanka tababarka ay siisay howl-wadeena laamaha ammaanka ee garoomada fuud ee dalka, taasi oo sare loogu qaadayo tayada badqab ee garoommada, isagoo shahadooyin gudoonsiiyay dhamaan Howl-wadeennada ka faa’iideystay tababarka.
Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa goobjoog ka ahaa Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Mudane Suudi Saciid Suudi, Qunsulka Safaaradda Ismaciil Ibraahim Aadan iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha JFS Yuusuf