Addis Ababa-(SONNA)-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay hakad ku yimi dalku galka ama visaha caafimaad ee dalka India oo ay si fudud ku heli jireen mudawaadiniinta Soomaaliyeed ee arrimaha caafimaadka ugu socdaalaya dalka Hindiya.
Helitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Visaha caafimaadka Hindiya waxaa goor horeba hirgelisay oo dadaal iyo waqti badan ku bixisay Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia, iyadoo dhammaan muwaadiniinta u fududayn jirtay warqadaha ay uga baahdaan safaaradda.
Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia Mustaf Mahdi Canshuur ayaa warbaahinta Qaranka uga waramay waxyaalaha kallifay hakadka ku yimi helitaanka dal ku galka caafimaadka ee ย Hindiya oo ay si fudud ku heli jireen muwaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in labada warqadood ee ay bulshadu ka qaataan safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ay maraan dariiqa saxda ah ayna yihiin document dawladeed oo sax ah, balse ay jiraan docuemen-tiyo dheeraad ah oo ay dadku iyagu la tagi jireen safaaradda Hindiya kuwaas oo khaladadaad badan ka soo laabteen, isla markaana sababay in safaaradda Hindiya ee Addis Ababa ku soo celiso.
Safaaradda JFS ee Addis Ababa waxay intaa ku dartay in Safaaradda Dawladda Hindiya ee dalka Ethiopia ay iyadu masโuul ka tahay bixinta Visaha caafimaadka dalkeeda, loona baahan yahay in dadku iska soo saxaan waxyaalaha ka khaldan warqadahooda caafimaadka ee ay la tagi jireen safaaradda Hindiya ee Addis Ababa.
Xoghaye Mustafe waxa uu intaa ku daray inuu jiro qorshe baaxad leh oo ay wado safaaradda JFS ee Addis Ababa, isla markaana ay dedaal ku bixinayso hagaajinta iyo dib u habaynta hawlaha la xiriira Visaha caafimaadka Hindiya.
Safaaradda JFS ee Addis Ababa waxay marwalba u taagan tahay caawinta iyo u adeegida bulshada Soomaaliyeed ee arrimaha caafimaad ugu socda dalka Hindiya.
ย