Muqdisho (SONNA) Maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan sida Xashiishka, Jaadka, Tubaakada, Taabuuga IWM ayaa dhibaato ku haya bulshada gaar ahaan dhalinyarrada da’ yarta ah, waxaana bahda caafimaadka ay ka digayaan saameynta taban ee ka dhalan karta xaaladani.
Xanuunada halista ah ee laga dhaxlo dhibaatadani ayaa waxaa kamid ah qabatinka (Addiction), cudurada ku dhaca maskaxda nuucyadooda kala duwan sida Walwalka, Niyad-jabka iyo Waalida.
“Marka aan bilaabaayay daaweynta xanuunnada Nafsiga ah, waxa aan ogaaday in uu aad u kordhaayay xanuunnada Nafsiga oo in badan ay sababaan daroogada” ayay tiri Dr Idil Cawil Cilmi oo ka qeyb-gashay shir looga hadlayay ka hortagada dhibaatada Moondooriyaha.
Sababaha ugu waa wayn ee keeni kara in qofka uu isticmaalo Maandooriyaha waxaa kamid ah Shaqo-la’aanta jirta, sidaasi waxaa lagu soo bandhigay shir looga hadlayay ka hortagada dhibaatada Moondooriyaha oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Dr Ibraahim Dhaqane Cali oo kamid ah dhaqaatiirta ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay sababta dhalinayarrada u isticmaalaan Maandooriyaha, taasi oo uu ku tilmaamay shaqo la’aanta iyo in ay awood ka raadinayaan.
Marka laga soo tago saameynta Shaqsiga qofka isticmaalaya Maandooriyaha waxaa sidoo kale jira dhibaato bulshada ay kala kulmi karaan ruuxaasi.
Axmed Maxmuud oo ah bare wax ka dhiga mid kamid ah Jaamacadaha Muqdisho oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa tilmaamay in dhibaatooyin badan uu Maandooriyaha ku keeni karo Bulshada.
“Dadka inta badan isticmaala Maandooriyaha waxaa ay si fudud u geysan karaan falalka Amniga lidiga ku ah, taasi oo dhiiri gelin karta sare u kaca dambiyada ” ayuu yiri Bare Axmed Maxamuud